War Deg Deg Ah Dad badan oo rayid ah oo goordhaw siyaabo kala duwan loogu dilay Suuqa Bakaaraha

Wararka aan ka heleyno Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi siyaabo kala duwan loogu laayay ilaa afar qof oon si rasmi ah loo ogeyn ilaa hada waxa ay yihiin.

Goob joogayaal la hadlay Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegay in ilaa afar qof siyaabo kala duwan loogu dilay qeybo katirsan Suuqa iyadoona dilkaasi la tilmaamay in ay ka dambeeyeen kooxo bistoolado ku hubesan .

Dilalka ayaa ka kala dhacay agagaarka Cabdule Shideeyaha , suuqa Daawada iyo Boosteejada gubta oo dhamaan kawada tirsan Suuqa Bakaaraha ,xaalada Suuqa Bakaaraha ayaana mar qura waxaa laga dareemay isbadal iyo qal qal aad u xoogan.

Ma jiro cid sheegatay masuuliyada dilalka ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha sidoo kale waxaan si rasmi ah loo ogeyn waxa ay yihiin dadka maanta lagu laayay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa falalka amaan dari waxa ay kusoo kordhayeen Suuqa Bakaaraha iyadoona maalmihii ugu dambeeyay gudaha Suuqaasi lagu dilay tiro katirsan Askarta Dowlada iyo waliba dad shacab.

X.allbanaadir.com
Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s