Mid kamid ah idaacadaha Muqdisho oo baahisay in la xirayo xarunteeda shaqaalaheedana xabsi la dhigayo

Idaacada Shabeelle oo kamid ah idaacadaha ka howl gala magaalada Muqdisho ayaa waxa ay baahisay in ay xaruntooda la geeyay warqad ka socota wasaarada War-faafinta Soomaaliya taas oo lagu dalbanayay in tifatiraha idaacadu uu tago wasaarada warfaafinta si su’aalo loo weydiiyo kadibna hadii fursad loo helo xabsi loo dhigo.

Idaacada ayaa baahisay, “Urur Diimeedka Dam Jadiid ee hoggaanka u haya Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaya in ay Xiraan Madaxda Shabakadda Warbaahinta Shabelle, Madaxda qeybaha iyo Wariyayaasha kale ee ka howl gala Shabelle”.

Waxaa kale oo idaacadu baahisay in aysan ku dhici doonin dabinka loo dhigay ayna ka feejignaa doonto in si sahal ah loo xiro howl-wadeenadeeda.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay shabakadaan Allbanaadir in warqadii loo geeyay howl-wadeenada Shabeelle, ee lagu dalbanayay in tifar-tiraha guud ee idaacadu uu tago wasaarada war-fafinta si uu uga jawaabo su’aalo laweydiin doono , ay qaba diideen oo ay ku celiyeen shaqsiyaadkii u keenay iyaga oo ku yiri, “maba aqoonsanin Warqadaan aad la wareegeysaan”.

Warkaan idaacada ka baxay ee ah in madaxda dalku ay maleegayaan shaqo joojin lagu sameeyo iyo howl-wadeenada oo laga xiro ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo waayihii danbe ay aad u lafa gureysay xeerka saxaafada Soomaaliya ee dhawaan golaha wasiiradu meel mariyeen kaas oo wali aan si rasmi ah u dhaqan gelin hasa yeeshee wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu durbadiiba bilaabay in uu ku tunto oo sida uu doono ka yeelo.

Cabdullahi Ciil-mooge Xirsi, Wasiirka War-faafinta Soomaaliya, ayaa waxa uu meel fagaara ah ugu qabtay xarumahaa war-baahineed ee dalka in ay isku soo diiwaan geliyaan 45 maalmood gudahood saacado uun kadib markii golaha wasiiradu ansixiyeen xeerka saxafada Soomaaliya oo qeexaya in is-diiwaan gelinta war-baahintu ay bilaabaneyso kadib marka xeerkaasi uu dhaqan galo oo ah xilliga madaxweynaha Jamhuuriyadu uu saxiixo laguna soo saaro warbaahinta qaranka.

Si kastaba, waxaa dad badani ay su’aal iska weydiinayaan cida ka hor-tagan dowlada Soomaaliya oo ka difaaceysa hadii ay ugu tala gasho in ay xirto idaacada Shabeelle oo dhacda halbowlada Caadimada maadaama sida ka muuqata warka idaacadu baahisay ay ka feejignaanayaan in la xiro idaacadooda iyo howl-wadeenadeeda.

X.allbanaadir.com
Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s