Akhri magaca Hogaamiye u dhashay Muqdisho oo hadane aanan laga jecleen bal iska daa in uu xil qabtee !!

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa durbadiiba boorka iska jafay kuwaas oo dib u soo celiyay magac ama neenaas ay horay ugu bixiyeen mid ka mid ah hogaamiyaasha magaalada Muqdisho ka soo jeeda balse in mudo ah ku sugnaa magaalada Neyroobi ee caasimada dalka Kenya.

Cali Maxamed Geedi ayaa guud ahaan magaalada Muqdisho waxaa looga yaqaan (Cali Haye-Raac) wuxuuna magacaan u baxay xiligii uu R/wasaaraha ka ahaa dowladii Allaha u naxariistee marxuum C/laahi Yuusuf Axmed.

Cali Maxamed Geedi (Cali Haye-Raac) ayaa shacabka magaalada Muqdisho waxa ay ku soo xasuustaan qaladaad fara badan oo uu galay xiligii ay dalka joogeen ciidamada Itoobiya kaas oo si aanan qarsooneen u sheegay in ay xaq tahay in ciidamada Itoobiya meeshii xabad Bislood looga soo rido ay ku jawaabi karaan madaafiicda Bm-ka iyo rasaasta Taangiyada.

Magaca Cali Haye-Raac wuxuu ku dhegay ka dib markii la arkay isaga oo Risul wasaare ka ahaa dalka Somalia oo hadane ay hoos ka maamulayeen Wasiiro ay aad iskugu dhawaayeen Allaha u naxariistee marxuum C/laahi Yuusuf Axmed.

Cali Maxamed Geedi (Cali Haye-Raac) waa siyaasi aanan laga jecleen gudaha magaalada Muqdisho wuxuuna hada ka mid noqday guruub lagu dhisay magaalada Neyroobi kuwaas oo la magac baxay Guddiga Badbaadinta Qaranka Somalia.

Dad badan ayaa is weeydiinaya halka ay sal dhigan doonaan kooxda uu ka mid yahay Cali Haye-Raac kaas oo magacaan ku muteeystay isaga oo yiraahda koox kasta ” haye noo bilaaba qorshe cusub oo macquul ah ” !!!

X.Allbanaadir.com
H.W.Sugulle. Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s