Xarunta cilmibaadhista puntland oo taagertay go.aanki lagu joojiyay dorashoyinka .warbixin.

image

Garoowe .(WS)Agaasimaha Qaybta Barnaamijada ahna kusimaha Agaasimaha Hayada Cilmi Baarista ee PDRC  Cali Faarax Cali (Farmayeeri) ayaa saxaafada u akhriyay Bayaan kasoo baxay Xarunta PDRC kaasi oo lagu taageerayo Go’aankii uu qaatay Madaxweyne Faroole ee ku aadanaa Joojinta Doorshooyinka Golaha Deegaanka Puntland,Hoos ka Akhri Warsaxaafadeedka.
                                                                 WarSaxaafadeed

Xarunta Horumarinta iyo Cilmibaarista Puntland (PDRC) waxay soo dhawaynaysaa go’aankii adkaa ee dawladda Puntland ay ku hakisay doorashooyinka goleyaasha degaanka si looga hortego isku-dhac iyo gacan ka hadaal,ayana isla markaas ka xuntahay dib u dhaca ay arrintaas ay ku keenayso geeddi socodka dimuqraadiyadda Puntland,xaaladda jirta awgeed,PDRC waxa ay ugu baaqaysaa dhamaan daneeyeyaasha in ay is xakameyaan ayna nabadda iyo xasiloonada Puntland Somaliya adkeyaan,xaruntu waxay isla markaas ugu baaqaysaa inay la yimadeen wada tashi siyaasadeed oo loo dhan yahay si Puntland iyo Somaliya oo idil looga hirgeliyo dimuqraadiyad la isku waafaqsan yahay.

PDRC waxa ay ka shaqaysaa nabadda,horumarinta,dimuqraadiyadda,u doodidda xauuqda aadanaha, iyo gaari taanka horumar loo siman yahay ayadoo la adeegsanayo Cilmibaaris loo dhan yahay.
Intii ka danbaysay sanadkii 1999-kii ee la asaasay,PDRC waxa ay ku hawlanayd dhismaha nabadda,dib u hishisiinta beelaha reer Puntland ee colaadu dhexmartay,xoojinta arrimaha maamul wanaaga heer degaan ilaa heer gobol iyo weliba gacan siinta jilayaasha maxaliga iyo kuwo caalamiga ah arrimaha la xiriira xoojinta nabadda iyo dhismaha dawladnimada.
PDRC waxa ay da’daal ugu jirta kobcinta aqoonta muwaadiniinta dhinacyada kaalinta kaga aadan iyo masuuliyadda ka saaran dalkooda.
Xaruntu iyada oo ay waafaqsan tahay himiladeeda iyo aragti deeda fog isla markasaaina la kaashanaysa haya’daha ay bahwdaagta yihiin waxa ay ka qayb qaadatay arrimaha wacyigelinta doorashooyinka goleyaasha degaanka,waxayna degaanada miyiga iyo magaalooyinka Puntland ka fulisay barnaamij loogu tala galay in kor loogu qaado aqoonta iyo wacyiga muwaadiniinta,iyadoo adeegsanysa maqal muuqaalka guur guura(Mobile Audio-Video Unit)iyo qaybaha saxaafadda kala duwan ee ka shaqeysa Puntland.
PDRc waxay kele oo ay gacan geysatay samaynta “Code of Conduct”ee ururrada siyaasadda iyo saxaafadda,iyo weliba dhismaha “the Elections Monitoring Committee )EMC.”
Sannadkii 2004-tii,PDRC waxa ay billawday in ay u hawl-gasho kobcinta hab-siyasadeedka dimuqraaddiga ah ee Puntland.
PDRC iyo hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah ee ay bah-wadaagta yihiin waxa ay diiradda sareen laba arrimood oo waawaeyn a)dib-u-eegista “Dastuurka Qabayada ah ee Puntalnd”ee wakhtigaa ka hirgalay qaar ka mid ah degmooyinka Puntland,gaar ahaan kuwa ku yaal goobaha durugsan ee ka fog magaalooyinka waawayn.
Hay’addu ilaa iyo hadda waxa ay waddaa dadaalkeeda ah in maamul-wanaag iyo sarreynta sharciga ay ka hirgalaan Somaaliya guud ahaan,gaar ahaanna Puntland.
PDRC
                                                                                               Dhamaad

H.SUGULLE MOHAMOUD
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s