Wiil Dhalinyaro ah oo nolosha isku gubay kadib markii uu Jaceyl Xad dhaaf ah u qaaday Haweeney Wasiirad ah

Il-wareed Caafimaad oo la hadlay Wakaaladda France Press ayaa u sheegya in Wiil Dhalinyaro ah oo Urdun u dhashay uu geeriyooday kadib markii uu Jirkiisa Dab ku qabtay isagoo isku dayay inuu is dilo.

Wiilkaan ayaa is gubay Maalmo ka hor, waxaana taas ugu wacnayd kadib markii ay Haweeney ah Wasiiradda Horumarinta Bulshada ay diiday codsi Wiilka kaga yimid oo ahaa inay la kulanto.

Dr. Casaam Al-Shariida oo ah Maamulaha Isbitaalka Albashiir ee Dowladdu ay leedahay ayaa Wakaaladda u sheegay im Axmed Al Hadi oo 23 jir ah uu Isbitaalka soo galay Khamiistii Todobaadkii hore ahayd isagoo aad uga sheeganayay Gubasho meelo badan oo Jirkiisa saamaysay.

Gubashada ayaa 90% Jirkiisa hadheeysay, Xaaladiisuna halis ayeey ahayd sida uu Dhaqtarku xaqiijiyay.

Wiilkan ayaa Dabka isku qabtay isagoo hor taagan Dhismaha Wasaaradda Horumarinta Bulshada oo Magaalada Camaan ku taala, markaas oo ay Wasiiradda Wasaaradaasi diiday inay la kulanto.

Rima Abu Xasaan oo Wasiiradda ah ayaa mar dambe sheegtay inay iyadu Safar kula jirtay Ra’isul wasaaraha sidaas darteedna in ay la kulanka Wiilka u diiday.

Muuqaal Video ah oo Shabakadaha Xiriirka Bulshada lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka muuqda Wiilkan oo hor taagan Wasaarada, kuna qaylinaya Wasiiraddu waxay diiday la kulankeeyga.

Nin Ragga amniga ka shaqeeya ah ayaa Axmed ka codsaday inuu meesha iskaga tago, balse isagu wuxuu ku qayliyay mar kale inaanu cid usoo dhawaan karin, isla markaana uu ku dhaartay inuu is gubayo.

Wuxuu kor u taagay oo uu Dadkii meesha joogay tusay dhalo ay ku jiraan Walxo si fudud u gubmaya. Ninkii amniga ilaalinayay ee Wiilka markii hore ku amray inuu Albaabka Wasaarada iskaga tago ayaa markaan yiri “Ma waxaad doonaysaa inaad Naftaada gubto.

Samee sidaas laakin halkan uun iskaga fogaaw”. Isla markii uu Axmed ka fogaaday Wasaaradda horteeda ayuu Jirkiisa ku shubay Walxihii dhalada uu ku sitay, dabadeedna Dab ayuu isku qabtay, halkaas oo Olol fara badan uu Jirkiisa mar qura wada qabsaday.

Isagoo Ololaya ayuu soo cararay oo uu isku dayay inuu gudaha usoo galo Dhismaha Wasaaradda, balse Ninkii amniga ilaalinayay iyo Dad kale oo la joogay Goobta ayaa kasoo daba cararay iyagoo doonaya inay Dabka ka holcaya Wiilka bakhtiijiyaan.

H.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s