Wadan Dadkiisu Aaminsan Yihiin in Hore laga Guursado Hablaha Buur buuran aadna u naaxiya gabdhaha soo koraya

Dalka Mauritania oo ka mid ah wadamada Qaarada Afrika, ayaa qoysaska ku dhaqan badankoodu aaminsan yihiin in ay naaxiyaan hablahooda si hore loogu guursado, sababtoo ah waxay haystaan dhaqan ah in buurnidu tahay waxyaabaha ka qaybqaata quruxda iyo soo jiidashada haweenka.

Dalka Mauritania oo ku yaal galbeedka badhtamaha saxaraha Afrika iyo Senegal ayaa haweenkooda ku dhiirigeliya inay miisaanka jidhkooda badiyaan, iyagoo carruurnimadooda la siiyo cuntooyin ay ku naxaan si qoyska ay ka soo jeedaan hore ugu helaan nin guursada, maadaama caado ahaan u haystaan in buurnidu tahay shayga kaliya ee gabadha quruxda u sameeya.

Dalkan waxa shacabkii rumaysan yihiin in xaasaska buuran muujinayaan inay yihiin qaar
nolol fiican ku jira, kana soo jeeda qoys hanti iyo sharaf ku leh dalka.

Dalkan ayaa cuntadu qaliil ku tahay, isla markaana aan dadka badankoodu helin cunto ku filan oo ay quutaan, maadaama uu dhaco meel saxare ah oo biyuhu ku yar yihiin.

Haween badan ayaa buurni aawadeed khatar u galay oo caafimaadkoodu halis ku sugnaadya, kadib markii ay cuneen kiniino aan bina?aadamku cuni Karin oo loogu talagalay in lagu naaxo.

Suxufi u dhashay dalka Maraykanka oo la yidhaa Thomas Morton oo loo diray dalka Mauritania inuu halkaas barnaamij baadhitaan ah u tego ayaa shaqadiisii ku guul darraystay, kadib markii uu six ad-dhaaf ah cunay cuntooyinkii iyo kiniinada haweenka dalkaasi cunaan ee ay isku buurnaysiiyaan, waxaanay doonaayey inuu tijaabiyo saamaynta caafimaad ee kiinaadan iyo cuntooyinkan jidhka qofka ku sameeyaan.

Suxufigan wuxuu xaqiiqsaday in hablaha Mauritania ku naxaan da?da siddeed jirka si qoyskooda hore looga guursado, waxaana hal-ku-dhig u ah kelmada Faransiiska ee ?Gavage? oo macnaheedu yahay qasab ku quudi.

Qoys kasta hablahiisa marka ay gaadhaan da?da guurka waxay uu u dira xero lagu naaxiyo, taasoo maalintii haweenay kasta la quudiyo cunto aad u badan oo lagu qiyaaso 15,000 Calories.

Suxufigan wuxuu sheegay in caafimaad darro badan kala kulmaan buurnidaas, isla markaana qaar badan oo ka mid ah ubadba dhali wayaan, aakhirkana wadno xannuun iyo neef qabatin yeeshaan.

H.Sugulle.Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s