Odayaasha Habar Gidir oo Shaaciyay in Arinta Sheekh Xasan Daahir adkaatay Dowladuna ku xirtay Shuruud adag.

Qaar kamid ah Waxgaradka Beesha Habar Gidir kana mid ahaa ragii Sheekh Xasan Daahir Aweys Cadaado ka keenay ayaa Dowlada ku eedeeyay in ay balantii uga baxday isla markaana ay Dowlada Soomaaliya arinta sheikh Xasan Daahir hor dhigtay Shuruudo adag.

Suldaan Mahdi C/risaaq oo kamid ah Waxgaradka Beesha Habar Gidir oo Wareesi siiyay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud balantii uga baxay ,waxa uuna intaa raaciyay in waqtigii madaxweynuhu u qabtay ay dhamaatay wax kasoo baxay balantiina aysan jirin ilaa hada.

‘’ Madaxweynuhu markaan lakunay waxa uu noo sheegay in arinta Seekh Xasan Daahir meel fiican ku dhamaan doonto odayguna yahay nin hawiye ah oo la karaameyn doono arintiisana lagu dhameyn doono ilaa 7-maalin , hasa ahaatee sidaasi ma dhicin dowlada waxa ay keentay Shuruud ah in Sheekh Xasan laga hadashiiyo oo Saxaafada uu la hadlo uuna shaaciyo in uu isbadalay ,anaguna taasi waa nagu adkaatay ‘’ ayuu yiri Suldaan mahdi C/risaaq .

Nabadoonkan ayaa sheegay in ay go’aansadeen beel ahaan in arinta Sheekh Xasan Daahir Aweys loo gudbiyo beesha hawiye si ay iskaga arkaan balse waxa uu xusay in beesha Mudulood uu kazoo jeedo Madaxweynaha ay ka codsadeen in ay iyagu maanta iska arkaan arintan inta aan Hawiye oo dhan loo gudbin.

Arinta Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa noqotay mid adkaaaty kadib markii uu wadaadka kabiyo diiday dhoor arimood oo la hor dhigay ay kamid ahaayeen in uu ka laabto fikirkiisa Dagaalka, sidoo kale uu umada u cadeeyo waxii ay waday in uu ahaa Qalad cafisna ka dalbado umada iyo Dowlada Soomaaliyeed.

X.allbanaadir.com
H.Sugullr mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s