Mid kamid ah gudoomiya ku-xigeenada degmooyinka gobalka Banaadir oo waqti yar kahor la khaarijiyay.

Sida ay u xaqiijiyeen afhayeenka gobalka Banaadir, Maxamed Yuuuf iyo goob joogayaal, shabakada Allbanaadir waxaa kooxa hubeysan ay ku dileen degmada Yaakhshiid gudoomiya ku-xigenkii degmadaasi Marwo Raxmo Daahir.

“Raxma Daahir oo aheyd gudoomiya ku-xigenka degmada Yaakhshiid ee gobalka Banaadir ayaa kooxda dhagar qabayaal ah oo bastoolado ku hubeysan waxa ay ku toogteen inyar kahor salaadii Maqrib meel ku dhaw hoyga ay ka degantahay degmadaasi”, afhayeenka gobalka Banaadir ayaa sidaasi u sheegay shabakadaan.
Goob joogayaal ayaa waxa ay iyana xaqiijiyeen in dilku uu ka dacay agagaarka

Isgoska fagax gaar ahaan meel kaabiga ku heysa Masjidka Sheekh Xassan Cadde.
Dilkaan oo wali cid sheegatay aysan jirin ayaa la’aaminsanyahay in ay ka danbeysay kooxda Shabaab ee aalaaba beegsata masuuliyiinta dowlada Soomaaliya iyo shaqsiyaadka ay ku tuhmayaan inay kasoo hor-jeedaan fikradooda

Waa gudoomiya ku-xigeenkii ugu horeeyay ee ay khaarijiyaan Bastooladley tan iyo markii ay xukunka la wareegeen madaxda cusub ee dalka Soomaaliya dhamaadkii sanadkii hore.

H.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s