Maamulka Barre Hiiraale oo ka hadlay warar sheegayay in uu kulamo la qaatay saraakiil Shabaab ah (Top News).

Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo kamid ah madaxweynayaasha Jubaland hasa yeeshee xilligaan dibad joog ka ah caasimada maamulkaasi ee Kismaayo ayaa la sheegay in uu beeniyay warar waayahaan leesla dhex maraayay oo sheegaya in uu Shabaab la heshiiyay oo beeniyay in uu Shabab kulan la qaatay heshiisna uu dhex maray.

Xassan Qaasim Warsame oo katirsan saraakiisha ciidanka dowalda Soomaaliya ee xilligaan la jooga Barre Hiiraale ayaa waxa daaha ka rogay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah oo ay faafiyeen waxa uu ku sheegay cadawga umada Soomaaliyeed.

Sarkaalkaan ayaa waxa uu sheegay in Barre uu xilligaan kula suganyahay duleedka Kismaayo oo ay doonayaan in ay ku laabtaan Kismaayo iyaga oo isticmaalaya awood meleteri.

Waayihii danbe ayaa waxaa soo baxaayay warar sheegaya in Barre Hiiraale uu kulan la qaatay Al-shabaab heshiisna uu dhex maray iyada oo warsidayaasha qaar ay sheegeen in magacii laga bedelay oo loo bixiyay Abuu Yuusuf.

Si kastaba, Barre Hiiraale ayaa waxaa horay uga saaray Kismaayo ciidamada Axmed Madoobe iyo ciidanka Kenya ee garabka siiya Maamulka Jubaland Garabka Axmed Madoobe.

Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s