Ciyaaryahan Soomaali ah oo ku biiray Kooxda Heerka koowaad ee AFC Leopards (Daawo Sawirada)

image

Weeraryahanka xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxda Banadir Sports Club, Saadaq C/qaadir Maxamud (Balotelli), ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda AFC Leopards oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Kenya.

Maamulka kooxda AFC Leopards ayaa warbaahinta usoo bandhigay ciyaartoyda cusub ee xilligan lasoo wareegeen oo gaaraya shan ciyaaryahan oo uu ku jiro Saadaq Balotelli.

Saadaq ayaa la guddoonsiiyay nambarka 45-aad ee uu caanka ku yahay, wuxuuna saxiixay heshiis kadib markii ay is afgarteen kooxdiisii Banadir SC iyo kooxda AFC Leopards.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan kusoo biiro kooxda ugu guulaha badan dalka Kenya, waxa ay ka mid tahay mid ka mid royooyinkeyga kubbadda cagta oo ii rumoobay” ayuu Saadaq u sheegay shabakadda Allbanaadir.com markii fananaadda la guddoonsiiyay.

Wuxuu sheegay in uu u mahad celinaayo maamulka kooxdiisii Banadir Sports Club oo u fududeysay in uu fursaddan ka faa’iideysto.

Abuukar Maxamed Sheekh oo ka mid ah maamulka sare ee kooxda Banadir SC oo isagana la hadlay Somgoal, ayaa sheegay in ciyaaryahanka heshiiska uu ugu wareegayo AFC Leopards uu soo gaba-gaboobay, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal fiican.

Macallinka kooxda AFC Leopards Luc Aymael, oo u dhashay dalka Belgium ayaa Saadaq ku tilmaamay xiddig da’ yar oo tayo sare leh, isla markaana guulo gaarsiin kara kooxdan ku guuleysatay horyaalka heerka koowaad ee Kenya 13 jeer.

Maxaa ka taqaan kooxda AFC Leopards

Kooxda AFC Leopards, magaceeda oo buuxa waa Abaluhya Football Club, waxey ka dhisantahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Waxaa la aasaasay sanadkii 1964-kii. Garoonka Nyayo National Stadium,oo qaada 30 kun oo qof ayay ku ciyaartaa.

Waa kooxda ugu koobabka badan dhinaca kooxaha heerka koowaad ee dalka Kenya, iyadoo ku guuleysatay horyaalka dalka ee Kenyan Premier League 13 jeer oo ah kooxda ugu badan.

Kooxda Gor Mahia oo ka dhisan isla Nairobi ayay la ciyaartaa kulamada “Derby” loo yaqaano”.

Koobka dalka ee Kenya Cup ayay ku guuleysatay 8 jeer, halka koobka kooxaha bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA Cup ay ku guuleysatay 5 jeer, waana mid ka mid ah kooxaha ugu guuleysiga badan.

Hal jeer oo ah sanadkii 2008-da ayay ku laabatay heerka labaad, iyadoo sanad kadib 2009-ki ay kusoo laabatay heerka koowaad.

Sanadkii hore ee 2012, waxey horyaalka ka gashay kaalinta 3-aad, iyadoo horyaalka hadda socda kaga jirto booska 9-aad, iyadoo leh 21 dhibic 16 kulan oo ay ciyaartay.

AFC Leopards waxaa macallin u ah Luc Eymael oo u dhashay dalka Belgium.

Horyaalka heerka koowaad ee dalka Kenya, waxaa ciyaara 16 koox.

image

Q.w.Sugulle. mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s