Aqriso Magacyada Xubno loo aqoonsaday in ay yihiin Qaswadayaal Carqaladeenaya Dowlada Soomaaliya

image

Shabakada wararka allbanaadir.com ayaa dabagal dheer kadib waxa ay soo heshay magacyada shaqsiyaadka ugu cad cad ee ku shiray Magaalooyinka Kampala iyo Nairobi kuwaa oo qal qal siyaasadeed ku abuuraya Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xubnahan Dowlada Federaalka Soomaaliya sida weyn u dhaliilaya ugana soo horjeeda ayaa waxaa u badan masuuliyiin xilal kala duwan horey uga soo qabtay Dowladihii KMG ee Dalka soo maray iyo xubno kale oo iyana kamid ahaa ragii ku fashilmay
Doorashadii madaxtinimo ee sanadkii hore dalka ka dhacday.

Xubnahan iminka u muuqda kuwa qas ku haya Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa la magac baxay Badbaadinta Qaranka Soomaaliya hasa ahatee dadka taageersan Dowlada Federaalkla ayaa xubnahan u aqoonsan in ay yihiin xubno doonaya bur burinta Qaranka Soomaaliya.

Aqriso Magacyada Xubnahan

1-Shariif Sheikh Axmed
2- Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke
3- C/wali Maxamed Cali Gaas
4- Prof. Cali Maxamed Geedi
5- prof .Cali Khaliif Galayr
6- Shariif Xasan Sheekh Aadan
6- Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe)
7- Prof. Maxamed Cabdi Gaandi
8- Axmed Moalim Fiqi
9-C/wahaab Ugaas Khaliif
1o- Yusuf Garaad Cumar
11- Dr.Cabdi Raxmaan Macalin Baadiyow
12- C/raxmaan Faroole
13- Dr.Cabdi Raxmaan Macalin Baadiyow
14-Cabdi Samad Macalin Maxamuud

Shaqsiyaadkan ayaa ugu cad cad kuwa sida weyn hada uga soo horjeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya mudooyinkana shirar qarsoodi ah ku lahaa Dalalka Kenya iyo Uganda iyagoona qorshahooda siyaasadeed taageero uga helaya Dowlada Kenya iyo dowlado kale oo lug ku leh Siyaasada Soomaaliya.

Qaar kamid ah Magacyada Shaqsiyaadkan aan soo bandhignay ayaan si toos ah uga soo muuqan kulamadii ka dhacay Magaalooyinka Niarobi iyo Kampala hasa ahaatee waxaa goob joog uga ahaa wakiilo iyaga matalaya oo shirarkaasi ka qeybgalayay sida xogta aan ku helnay.

H.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s