Weerarada ka dhanka ah Leerarka Cad ceeda ku shaqeeya ee Magaalada Muqdisho oo sii kordhay

Waxaa sii kordhaya weerarada lagu beegsanayo leerarka Cad ceeda ku shaqeeya ee Magaalada Muqdisho iyadoona weerarkii ugu dambeeyay saakay lagu qarxiyay ilaa sadax baale oo ku yaala Degmada Hodan.

Kooxo aan la garan ayaa saakay aroor hore waxa ay miinooyin ku xireen sadax kamid ah Baalayaasha leerarka cad ceeda ku shaqeeya ee ku yaala Xaafada Warshada Caanaha ee Degmada Hodan halkaas oo qasaaro xoogan uu kasoo gaaray baalayaashaasi.

Goob googayaal ayaa noo sheegay in baalayaasha la qarxiyay kadib markii miinooyin lagu xiray iyadoona kooxihii baalayaashaasi qarxiyay ay si caadi ah goobta uga tageen , waxaana jirin wax ciidamo katirsan Dowlada oo kusoo baxay qaraxyada baalayaasha lala eegtay , waxaana xusid mudan in goobtaasi ay ka dhaw yihiin ciidamo katirsan Dowlada.

Labo mar oo hore ayaa sidan oo kale loo qarxiyay baalayaashaan saakay la qarxiyay inkastoo hadana dib u hagaajin lagu sameeyay leerarkaasi balse maanta mar kale la qarxiyay .

Lama oga cida dagaalka kula jirta Leerarka Cad ceeda ku shaqeeya ee Magalaada Muqdisho laga hir galiyay kuwaa oo dad badan aad ugu farxeen maadama magaalada ay muuqaalkeeda uu isbadalay habeen iyo maalina uu isku mid noqday taa oo dad badan oo iyana mugdiga iyo silaca Soomaali jecel ay dhibsadeen hor marka Magaalada bilaabeena in ay damiyaan iftiinka Magaalada.

Q.W.Sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s