Akhriso Qaar kamid ah Qodobadii Adkaa ee la hor dhigay Sheekh Xassan Dahir Aweys(Top News)

image

Xukuumadda Somalia iyo Sirdoonka Galbeedka ee jooga Magaalladda Muqdisho ayaa waxa ay hor dhigeen Wadaadka Baxsadka ah qodobo muhiim u ah Sirdoonka.

Shabakadda Allbanaadir Xarunteeda Magaalladda Nairobi ayaa heshay tiro qodobo xasaasi ah oo la hordhigay Xassan Dahir Aweys oo muhiim u ah Sirdoonka Somalia iyo Galbeedka waxaana kamid ah:-

1- Bixinta xogta Axmed Godane iyo halka uu ku sugan yahay.

2- Ka bixida Kooxda Xagjirka Alqacidada Somalia ee Alshabaab.

3- Cambaareynta Falalka ay geysanayaan Alshabaab iyo Shaacinta inuu ka baxay Alshabaab.

4- Inuu hago Sirdoonka Somalia si gacanta loogu dhigo Axmed Godane iyo Fu’aad Shangole.

5- Kamid ahaan shaha Xukuumadda Somalia iyo Fulinta Awaamirta Dowladda.

Qodobadaani, ayaa waxa ay kamid yihiin Qodobo farabadan oo la hordhigay Wadaadka Xassan Dahir, iyadoona ay wararku sheegayaan in Dowladda Somalia ay Cafis u fidin doonto haddii uu fuliyo Qodobadaasi.

Ugu dambeyntii Wadaadka Xagjirka ah Xassa Dahir Aweys, ayaa waxa uu weli ka biya diidan yahay inuu fuliyo Awaamirta kaga imaaneysa Sirdoonka Somalia iyo Galbeedka Walow Madaxda Sare ee Xukuumadda ay ka quusteen Arrimaha Xassan Dahir.

Q.W.Sugulle .Mohamoud
Hedmark Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s