Turkiga oo xooga saaraya sidii Maamulka Somaliland looga saari lahaa Fikirada Qaldan ee Gooni isu taaga. (Warbixin Xasaasi ah).

Turkiga ayaa waxaa uu sheegey in Maamulka Somaliland ay ka dhaadhicinayaan sidii ay ula midobi lahaayen Xukuumadda Soomaaliya ayna sidoo kale ka dhaadhicinayaan sidii ay uga tanaasuli lahayeen gooni isu taaga ay raadineyso Maamulka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Turkiga Axmed Daa’ud Oglo oo Istanbul Kulan kula qatey ergo ka kala socota Xukuumadda iyo Maamulka Somaliland ayaa waxaa uu sheegey in turkigu uu ka shaqeyn doono sidii uu isugu keeni lahaa Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo uu sheegey in ay wax walba u hurayaan Mideyntooda.

“Xilka na saarana anaga waa hadaan Turkia nahayee waa inan ka shaqeynaa sidii ay u midoobi lahaayen Xukuumadda iyo Maamulka Somaliland inagoo dooneyna inan dhisno buundo aan mar danbe go’in” ayuu Axmed Oglo yiri isagoona intaasi ku daray in Dowladiisu ay rumeysantahay in Soomalia ay mid tahay.

Oglo waxaa uu yiri Kulankii ay labadda dhinac horaantii Sanadkan ay ku yeesheen Dalka Turkiga waxaa uu bilow fiican u ahaa wada hadaladda labadda dhinac.

Wasiirka ayaa hadalkan jeediyey kadib markii uu kula la qaatey xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliay iyo sidoo kale Maamulka Somaliland oo ay kamid ahaayen C/kariin Xuseen Guuleed oo ah Wasiirka Arimaaha Gudaha iyo Amanka Qaranka ee Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka Ganacsiga Maamulka Somaliland Maxamed C/laahi Cumar.

Ugu danbeyntii Oglo ayaa sheegey in Dowladiisu ay diyaar u tahay caawinta Dowladda Soomaaliya iyo isu keenida labada dhinac.

Q.w.Sugulle Mohamoud
Hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s