War Deg Deg Ah Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Bakaaraha iyo Gaari ay wateen Ciidanka Dowlada oo gubtay

Waxaa Daqiiqado yar kahor Suuq Weyn ee Bakaaraha ka dhacay qarax Xoogan oo nuuca Bambada gacanta laga tuuro ah kaa oo lala eegtay gaari ay wateen Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo xiligaasi halkaasi marayay.

Qaraxa bambaano ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Sarta Xaaji Cali Dheere ama Suuqa Sarifka waxaana lala eegtay gaari yar ay wateen ciidanka amaanka Dowlada Soomaaliya oo goobtaasi marayay .

Gaariga ay wateen Ciidanka Dowlada ayaa la tilmaamay in uu taagnaa xiligaasna rag aan la garan ay bambo dhaxda ka dhigeen gaariga sidaa uuna gaariga ku qarxay .

Goob jooge goordhaw la hadlay Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegay in markii Bambada lagu dhuftay Gudaha gaariga uu durba holcay in cabaar ahna uu gubanayay gaariga ilaa markii dambe lagu guuleestay in la damiyo.

inta la xaqiijiyay waxaa Qaraxaasi ku dhaawacmay ilaa Sadax Askari oo gaarigaasi saarnaa kuwaa oo hada dhaawacdooda loola carara Isbitaalada Magaalada Muqdisho si loo daweeyo

lama oga wax qasaaro ah oo soo gaaray dadkii rayidka ahaa ee ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay , xaalada Suuqa Bakaaraha gaar ahaan goobtii uu qaraxu ka dhacay ayaa hada kusoo laabatay si caadi ah ganacsiga ayaana dib u furmay.

X.allbanaadir.com
H.W.sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s