Muwaadin Soomaali ah oo xalay si Xun loogu dilay gudaha Dalka Koonfur Afrika (Aqriso Magaciisa)

Wararka aan saakay ka heleyno Magaalada Rusterburg Gobolka North West ee Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay tuulo hoos timaada Magaaladaasi six un loogu dilay Muwaadin Soomaaliyeed .

Kooxo Madow ah ayaa jidka u galay Muwaadinkan Soomaaliyeed xili uu dukaan ka yimid kuna sii jeeday dukaan kale iyagoona six un ugu dilay toorey ay wateen sida uu noo xaqiijiyay Shiilow Macalin Cali oo kusugan Magaalada Rusterburg.

Marxuunka la dilay ayaa ahaa Wiil dhinyaro ah waxaaan Magaciisa lagu sheegay C/rasgiid Muuse Gurey (ilkcase) waxaana la qorsheenayaa in maanta lagu aaso qabuuraha Muslimiinta ee ku yaala Magaalada Rusterburg.

Dilka kadib ayaa Ciidamo katirsan Booliiska Koonfur AFrika waxa ay soo gaareen goobta uu falku ka dhacay oo aheed Tuulada Fandharkop mana jiraan ilaa had cid loo soo qab qabtay falkaasi dilka ah ee loo geestay Muwaadinkan Soomaaliyeed.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa tuulooyin hoos yimaada Magaalada Rusterburg gaar ahaan Tuulooyinka Jambuula iyo Sun Rice waxaa ka jiray cabsi xoogan, iyadoona jiraan boob loo geestay Dukaaman Soomaali laheed halka dukaamo kalana ganacsatadii laheed ay rarteen iyaga oo ka cabsi qaba in la boobo.

Dhacdooyinkan ayaa dhaca xili Dalka Koonfur AFrika ku sugan yihiin Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka oo dalkaasi u tagay xaqiiqo raadin iyo sidii ay u ogaan laheen dhibaatooyinka Soomaalida loogu geesto Dalkaasi si ay ugala hadlaan Madaxda South Afrika.

Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s