Madax hore iyo Siyaasiyiin caan ah oo qorsheenaya maja xaabinta Dowlada Soomaaliya (Xog la helay)

Sida aan ku helnay Warar lagu kalsoonaan karo dhawaan waxaa Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ka dhacay kulan qarsoodi ah ay wada qaateen xubno madax uga soo noqday Dowladihii KMG ee Soomaaliya iyo Xubno kale oo siyaasiyiin ah saameyn badana ku leh siyaasada Dalka.

Kulankan ka dhacay Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ayaa sida Wararka aan ku heleyno ujeedkiisu waxa uu ahaa sidii qal qal siyaasadeed loogu abuuri lahaa Dowlada Federaalka Soomaaliya oo dhisan wax ka yar hal sano, Xubnahan shirayna ay dib ugu soo noqon lahaayeen Siyaasada iyo Talada Dalka oo hada gacantooda ka baxday.

Xubnaha Kampala ku shiray waxaa kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cali Maxamed Geedd Ra’iisul Wasaarihii hore, iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore C/wahaab Ugaas Khaliif, Dr.Cabdi Raxmaan Baadiyow , Xildhibaano hore iyo kuwa hada jira , waxaa sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Kenya .

Kulanka ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in qaska Telfoonka Tooska ah uga qeyb galeen Xubno kale oo saameyn leh sida R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas) iyo xubno kale kuwaa oo dhamaan hada u muuqda kuwa aragtidooda isku dhaw dahay hal dhinacna uga soo wada horjeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xubnahan ayaana iska wareestay xaalada hada dalka ku sugan tahay iyo fashil ay sheegeen in ay ku timid Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ayna diirada saareen arimo la xariira Maamulka Puntland oo qorsheenaya in uu go’o sida ay ku warameen iyo sidoo kale arimaha Federaalka oo muran badan ilaa hada ka taagan yahay.

Kulankan xasaasiga ah ee ka dhacay Dhawaan Magaalada Kampala ayaa ahaa mid saxaafada laga ilaaliyay si aan loo ogaan waxa uu ku suubsanaa hasa ahatee waxaa mar qura soo baxay shakiga kulankaasi iyo xogo ku aadan ujeedka ka dambeysay in ay kulmaan Masuuliyiin hore iyo siyaasiyiin miisaan culus oo dhamaan banaan joog ka ah Dowlada Federaalka ee iminka talada dalka haysa.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka war helay Qorsha shirka Kampala ayaa digniin u diray xubnaha shiray iyadoona taasi dhalisay in qaar kamid ah Xubnihii shirkaasi ka qeyb galay ay furka tuurtaan ayna ka dhawaajiyaan in Kampala u tageen kaliya in ay soo salaamaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynhii hore ee Soomaaliya.

Kulanka Kampala la dhacay ayaa lagu sameeyay rag gudiyo ah oo loo kala diro Dalalka Kenya , Itoobiya iyo Jabuuti si madaxda dalalkaasi uga dhaa dhiciyaan qorshahooda siyaasadeed iyo waxa ay damacsan yihiin.

Lama oga go’aanka ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ka qaadan karto shirka Kampala ka dhacay oo u muuqda mid aysan raali ka aheyn Xukuumada Federaalka tashwiish siyaaadeedna lagu furayo Dowlada hada ka jirta dalka ee sida Dimuquraadiga ah loo soo doortay.

X.allbanaadir.com
H.w.sugulle mohamoud
Hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s