Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay wararka sheegaya in uu jiro wada hadal kala dhexeeya Sheekh Muqtaar Rooboow

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Cabdi Kariim Xaaji Maxamuud (Fiqi) ayaa waxa uu shaaciyay in uusan jirin wax wada hadal ah oo ay xilligaan la leeyihiin Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo kamid ah saraakiisha Shabaab ee dagaalka kula jira Axmed Cabdi Godane oo waayihii danbe ay soo baxayeen hadallo ku aadan in uu jiro xariir wanaasan oo uu lasoo sameeyay dowlada si uu uga soo boxo Shabaab dowlada Soomaaliyana ay arintaasi ufududeyso.

“Majiraan wax wada hadal ah oo dowlada Soomaaliya ay kula jirto Abuu-Mansuur hasa yeeshee waan soo dhaweyneynaa cid waliba oo kasoo laabaneysa xag-jirnimada kana qeyb qaadaneysa dadaalada lagu bad-baadinayo shacabka Soomaaliyeed”, Wasiirka difaaca ayaa sidaa ku waramay.

Afhayeenkii hore ee Shabaab, Abuu-Mansuur Rooboow oo kamid ahaa saraakiil Shabaab ah oo si aad ah uga hor-jeestay amarada ad adag ee Axmed Cabdi Godane ayaa waxa uu kuluga aruursaday deegaanada uu kasoo jeedo isaga oo isku hareereeyay dagaalamayaal Shabaab ah oo ehelkiisa u badan si ay uga difaacaan dagaal uga yimaada Godane oo saraakiishii Abuu Mansuur lamid ahaa ka dhigay kuwa uu dilay kuwa uu dhaawacay iyo kuwa uu deegaanka kasaaray sida Xassan Daahir Aweys.

Wixii xilligaas ka danbeeyay waxaa dhowr jeer weeraro ku qaaday deegaanada uu ku suganyahay taageerayaasha Axmd Cabdi Godane iyada oo saraakiil katirsan ciidanka dowlada ee Baay iyo Bakool ay sheegeen in Abuu-mansuur ku caawiyeen hub si uu isga difaaco weerarada lagu doonayo in lagu khaarijiyo.

Si kastaba, hadalka wasiirka difaaca ayaa waxa uu muujinayaa in aysan jirin wada hadallo toos ah oo Abuu-mansuur xilligaan dowlada Soomaaliya uu kula jiro iyada oo ay xusid mudantahay in Abuu-Mansuur uu ku jiro liiska Madow sida looga saarana ay adkaan doonto.

X.allbanaadir.com
H.w.sugulle mohamoud
Hedmark norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s