Ciidamo Ethiopian ah oo ku wajahan degmooyin Shabaab ay ku xooganyihiin oo ku yaalla gobalada dhexe.

Wararka laga helayo magaalada Guri-ceel ee gobalka Gal-guduud ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo tira badan oo qeyb ka ah meleteriga Ethiopia ay deegaanadaasi ka wadaan qaban-qaabada duulaan ay ku qaadaan deegaanada Shabaabku ay gobalkaasi uga xooganyihiin.

Goob-joogayaasha ayaa waxa ay xaqiijinayaan in ciidankaasi oo aad u qalabeysan ay ku jaheysanyihiin deegaanno ay kamidyihiin degmada Ceel-buur ee gobalkaasi oo ah xudunta Shabaabka gobalda dhexe halkaasi oo ay ka taagantahay cabasho ay wadaan dadka deegaanka.

Ciidanka Ethiopia ayaa xilligii dowladii SHeekh Shariif waxa ay mar kala wareegeen Shabaab degmada Ceel-buur iyo deegaanada ku xeeran inkasta oo dib ay uga laabteen goor danbe, arintaas oo dhalisay in Shabaab ay gowracaan dad badan oo lasheegay in ay ku eedeeyeen in Ethioipan-ka la shaqeynayeen.

Si kastaba, xariir aan lasameynay degmada Ceelbuur ayaa waxaan ku ogaanay in ay jirto cabsi laxariirta meleteriga Ethiopia in deegaanka ay si dahqas ah ku soo gaaraan.

X.Allbanaadir.com
H.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s