Milatariga Masar oo Maanta Xasuuq ba’an u geestay Taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiin(Daawo Sawirada Xasuuqaasi)

image

Ugu yaraan 50 qof ayaa la dilay kadib markii shacabka ku mudaharaadeen xarunta weyn ee saldhiga u ah ciidamada Jamhuuriga ee magaalada Qaahira.

Dadka mudaharaadayey ayaa ahaa taageerayaasha xisbiga Akhwaan Muslimiinka, oo si weyn uga soo horjeeda Afgambigii militariga ku sameeyey xukuumadii la doortay ee Madaxweyne Maxamed Morsi.

Mudaharaadkan saaka ka dhacay irida hore ee xarunta Ciidamada Jamhuuriga ah ayaa ah kii dhiiga ugu badan ku daato maalmihii lasoo dhaafay, dadka mudaharaadayey ayaa sheegay in xaruntaasi lagu hayo Madaxweyne Maxamed Morsi iyo xubno kamid ah xukuumadiisii.

Xarumaha caafimaadka ee magaalada Qaahira ayaa sheegaya in dad badan oo dhaawac ah la geeyey goobo kala gedisan.

Afhayeenka Xisbiga Akhwaan Muslimiinka Qehad Al Haddad ayaa sheegay in militariga maanta uu geystay xasuuq bareer ah, isla markaana ay sii wadi doonaan mudaharaadyadooda ka dhanka ah xukunka militariga.

Afhayeenka ayaa sidoo kale beeniyey warar ka soo baxay Militariga Masar oo sheegay inay rasaasta fureen kadib markii kooxo hubeysan soo weerareen taliskooda guud, warkaasi oo uu Afhayeen Al Haddad ku sheegay mi dlagu qoslo, wuxuuna sheegay in Taliska Militariga ay hareeraha uga yaalaan 7 xarun oo ciidamada amniga leeyihiin, isla markaana la yaab ay tahay kooxda ay sheegeen inay soo dhaafeen intaas oo xarun oo weerarka ku qaadi kara militariga.

Al Haddad ayaa sheegay in aysan jirin wax hub ah oo ay siteen dadka la laayey oo uu sheegay inay sameenayeen mudaharaad nabad ah oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Madaxweynaha la doorta Maxamed Morsi oo hada xabsi ahaan loogu hayo xarunta Militariga.

image

image

image

image

image

Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s