Axmed Madoobe iyo Maxamuud Aw-Libaax oo looga yeeray Kenya iyo Khilaafka ka dhexeeya oo gaaray Kenya. (Warbixin Muhiim ah).

Wararka aan ka heleyno Magaaladda Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray Hoggaamiyaha Maleeshiyadda Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Gudoomiyaha Ahlusunna Waljamaca Maxamuud Aw-Libaax oo dhawaan Khilaaf ka dhex dhashay.

U yeerida Dowladda Kenya ay u yeeray Axmed Madoobe iyo Maxamuud Aw-Libaax, ayaa waxa ay ka dambeysay ka gadaal markii ay labadaasi Mas’uul isku Khilaafeen Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaaladda Kismaayo kaasoo ay ku naf waayeen Boqolaal ruux.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in labadan nin ay u yeertey Dowladda Kenya oo heshiis gaar ah kala dhexeeya, iyadoona ay illa wareedku sheegayaan in Ujeedka loogu yeeray tahay in la dhex dhigo Heshiis.

U yeerida Dowladda Kenya ay u yeertay Labadaasi Mas’uul ayaa waxa ay qeyb ka tahay faragalinta iyo iska horkeenka Dowladda Kenya ay weli ku heyso Somalia, iyadoona la sheegay in Ujeedku yahay in la kala ilaaliyo Ciiddamadda Axmed Madoobe iyo Maxamuud Aw-Libaax.

Khilaafka Labada Mas’uul ayaa waxa uu ka dhashay Boobkii loo geystay guryo ay Magaalladda Kismaayo ka daganaayeen Odayaal aan ku lug-laheyn Dagaaladii ka dhacay Magaalladda Kismaayo, mana cadda qaabka ay Dowladda Kenya u heshiisiin doonto Labadaasi Mas’uul oo mudooyinkaani aad u kala fogaa.

Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark.norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s