Wararka laga hellayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya caawa goordhow in lagu dilay magaalada Gaalkacyo Wariye Liibaan Qaran oo ka tirsanaa Shaqaalaha TVga Royal xaruntiisa gobolka Mudug.
Dableey Hubaysan oo haybtooda la garanayn ayaa wariyaha ku dilay magaalada Gaalkacyo sida ay Saadaal Media u xaqiijiyeen qaar kamid ah Wariyaasha ka howlgala Gobolka Mudug.
Aniga oo ku hadlaya afka shabakada warsugansomaliya.wordpress.com waxaan tacsi u diraynaa qooyskii iyo asxaabti uu kabaxay leenahayna ilaahay samir iyo imaan haydinka siiyo dhamaantena waa uu inaga wada baxay ee ha loo duceeyo gacantkii ka xaqdarnayd ee dishayna ilaahay ha qabto si loo mariyo ciqaabteda.
Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark. Norway
Advertisements