Dibad bax lagu dalbanayay in Sheekh Xasan Daahir Maxkamad lasoo taago oo Muqdisho ka dhacay(Daawo Sawirada)

image

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay dibad bax kooban oo lagu dalbanayay in maxkamad lasoo taago Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ahaa Saraakiishii Al-Shabaab hadana gacanta ugu jira Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dibad baxan waxaa dhigayay dad u badnaa haween kuwaa oo watay boorar lagu dalbanayo in Sheekh Xasan Daahir Aweys maxkamad lasoo taago laguna qaado dambiyo ay sheegeen in uu ka galay dalka iyo dadkaba.

Dadkan dibad baxa dhigayay ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys ku tilmaamay dambiile iyo in uu barakiciyay dad badan oo masaakiin ah kadib markii uu dagaal korkooda ku icklaamiyay , waxa ayna Dowlada Soomaaliya ka dalbadeen in aan lasii deyn Sheekh oo Maxkamad lasoo taago.

Dibad baxan ayaan si rasmi ah loo ogeyn cida soo abaabushay, hasa haatee waxaa uu kusoo aadaya xili maalmo kahor xaafado kamid ah Degmada Hodan ay ka dhaceen dibnad baxyo lagu taageerayay Sheekh Xasan Daahir laguna dalbanayay in lasoo daayo.
image
image
image
image

X.Allbanaadir.com
H.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s