Daawo Sawirada Diyaarad si layaab leh ugu bur burtay Garoon Diyaaradeed ay damacsaneed in ay ku dagto iyo Dadkii saarnaa oo intooda badan ka bad baaday

image

Diyaaradan oo ka timid caasimada dalka Koonfurta Kuuriya ee Seoul, ayaa soo dhacday xili ay soo cago dhiganeysay Airporka magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka.

Burburka diyaaradan ay leedahay shirkada ASIANA Airlines ayaa waxaa ku dhintay 2 qof, waxaana ku dhaawacmay 181 qof. Diyaaradan ayaa siday 291 qof oo rakaab ah. Inbadan oo kamid ah rakaabka ayaa si nabad ah uga badbaaday shilkan diyaaradeen kadib markii ay ka boodeen diyaarada kahor intuusan qabsan dab xoogleh oo burburiyey diyaaradaasi.

Diyaarada ayaa la sheegay inay dhacday iyadoo soo cago dhiganeysa, kadib markii qeybta danbe ee diyaarada ay dhulka ku dhacday kahor inta diyaarada aysan cagaha dhigan, arrintaasi oo keentay diyaarada inay dhulka kusoo dhacdo iyadoo ka baxday wadadii loogu talo galay ee (Runway-ga)

Shirkada diyaaradaha ee ASIANA Airlines oo laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya, ayaa sheegay in diyaaradooda oo ahayd nooca Boeing 777 oo cusub, ayna hada baaritaan wadaan.

image

Q.w.sugulle
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s