Akhri labo qodob oo ay Dowlada uga cabsi qabto Sheekh Xasan Daahir Aweys hadii uu dalka sii joogo iyo Shiikh Xasan Daahir Aways oo

image

Masuuliyiinta ugu sareeysa Dowlada iyo laamaha Amniga iyo Nabadsugida ayaa si buuxda ula socda sirta hoose iyo damaca uu boorka iskaga jafi karo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan iskaga soo baxsaday xarakada Al Shabaab ka dib markii ay isku maan dhaafeen Axmed Godane jagada ugu sareeysa ee kooxda Al Shabaab.

Dowlada oo dhawaan dalka ka masaafurineeysa Sheekh Xasan Daahir Aweys waxaa arinkaas ku qasbay labo arimood kuwaas oo kala ah heshiis ay dowlada la gashay nabadoono ka tirsan beesha Habar Gidir iyo Sheekhaan oo ah nin is bad badal badan oo meel loo raaco aanan leheen.

Xiliyadii Maxaakiimta Islaamiga ahaa waxa uu Sheekh Xasan Daahir Aweys ku guuleeystay inuu wax ka furo dekada iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo in mudo ah u xirneeyd qab-qablayaal dagaal.

Sanadkii 2009-kii markii uu dalka ku soo laabatay Xasan Daahir kana yimid wadanka Eratareya waxa uu hadal iyo waan waan ka diiday inta badan beelaha dega magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kaas oo iclaamiyay Jihaad cusub wuxuuna mar kale qixiyay shacab dalka dib ugu soo laabtay kuwaas oo markii horeba ka qaxay dagaalkii lagula jiray ciidamada Itoobiya.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo iminka qudhiisa ka soo qaxay kooxda Al Shabaab waxaa laga filan karaa labo qodob waa hadii uu dalka sii joogo waliba aanan la masaafurin ama xabsi guri la galin.

1-isaga oo mar kale Jihaad ku baaqo kuna soo jeesto ciidamada shisheeye sida AMISOM.

2-Sheekhaan oo mar kasta sheekada ka dhiga Qabiil si meesha ay uga baxdo Qaranimada dadkana ay mar kale isku qarbudaan.

Laamaha Amniga iyo Nabadsugida dowlada ayaa si weeyn uga dheregsan dhaq dhaqaaqa uu boorka iskaga jafi karo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo lagu sheegay nin aad u xukun jecel.

X.allbanaadir.com
H.W.Sugulle mohamoud
Hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s