Maxaad ka taqaan deegaanka sida aadka ah looga necebyahay Xassan Daahir dalabyada ciqaabtiisu ay is-daba jooga uga soo baxaan.

Degmada Dhuusama-reeb ee gobalka Gal-guduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay noqotay deeegaanka sida aadka ah looga necbyahay Xassan Daahir Aweys iyada oo dalabyada ugu badan ee ah in lagu ciqaabo denbiyadii uu dalka iyo dadka ka galay ay halkaasi kasoo baxaan.

Sida cid waliba xusiisantahay ururka Ahlusunna ee gobalada dhexe oo xaruntiisa ugu weyn ay tahay Dhuusa-mareeb ayaa waxa ay saacad kadib markii uu Xassan Daahir isu dhiibay maamulka Xibin iyo Xeeb waxa ay uga digeen in hadii ay soo dhaweeyaan Xassan ay dagaal ku qaadi doonaan Cadaado iyaga oo arintaasi ku sababeynayay in uu yahay nin gacan ku dhiigla ah oo ciqaab daran mudan.

Marar badan oo xigay ayaa hadana waxaa la sheegay in Ahlusunna ay dalbatay in Xassan la del-delo si ay ugu quus qaataan dad badan oo danbiya gali lahaa hadii aysan arkin in denbiga leesu qabsan doono.

Degmada Dhuusa-mareeb oo ay ku badanyihiin qabiilka uu kasoo jeeda Xassan Daahir jufa Ahaan ayaa waxaa cid waliba la yaabantahay waxa ka dhigay halka loogu necebyahay hasa yeeshee madaxda Ahlusunna ayaa waxa ay sheegeen in halka ugu badan ee tacadiyada aadanaha uu ka geestay in ay tahay Dhuusamareeb.

Iyada oo taasi jirto ayaa hadana Sheikh Cumar Sheikh Cabdiqaadir Aadan, Guddoomiyaha golaha talada ee Ahlu-sunna oo ka hadlaayay shir lagu soo xiray Magaallada Dhuusamarreeb ee Xarunta gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu sheegay in Xassan Dahir uu yahay dambiile muteystay Xabsi daa’im.

Dhamaan masuuliyiintaani ka hadlay Dhuusamareeb waxa ay ka mideesnaayeen dalabka ku aadan in la ciqaabo iyada oo ay xusid mudantahay in Qaramada Midoobay iyo Mareykanka oo horay ugu darary liiska dadka labaadi goobayo aysan ciqaabta intaa la’eg dalban.

Si kastaba, Xassan Daahir oo dhawaan isaga soo baxsaday seefta afka badan ee Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa lagu xasuustaa dagaalkii uu iclaamiyay kaas oo sababay in Muqdisho ay isu bedesho goob colaadeed kadib markii uu dalka Eretria kasoo laabtay sanadii 2009-kii xilligaas oo uu baxay magaca ah “Qixii Xassan Daahir Aweys”.

Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark .norway.
http://www.warsugansomaliya.wordpress.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s