Khilaaf xoogan oo ka dhex curtay Maamulka Axmed Siilaanyo iyo Axsaabta Mucaaradka Somaliland. (Warbixin Muhiim ah).

Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka reebtay Axsaabta Mucaaradka ah ee Wadani iyo UCID Guddoomiyayaashooda oo ay ka qayb gelin jirtay kulamadii hore ee u dhexeeyay Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland ee ku dhex mari jiray dalalka Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Ingiriiska.

Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inaanu ka qayb geli doonin kulanka ka dhacaya Turkiga, kaasoo lagu wado in laba Guddi oo ka kala socda Xukuumadda iyo Maamulka Somaliland wada fadhiisan doonaan miiska wadahadalada, iyadoo dareenada soo baxaya ay sheegayaan in Maamulka Somaliland ku dalban doonto Dal kale ama Beesha Caalamku in ay soo dhex gasho labada dhinac ee kulmaayo.

Ilaa hada lama garanayo Sababta Axsaabta Mucaaradka ah looga reebay shirka Turkiga iyo sababta Madaxweyne Siilaanyo aanu uga qayb geli doonin toona, marka laga Reebo Wasiirka Madaxtooyadda oo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID dhaliilo u soo jeediyay.

Talaabadan ayaa u muuqda mid muujinaysa in uu Maamulka iyo labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad ku kala aragti fogaanayaan dhinaca Siyaasadda oo ay dadweynuhu dareemayeen in aanay jirin af-kaar la taaban karo oo ay ku kala gadisan yihiin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku gacansayray Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka Muuse Biixi Cabdi Ergo uu Madaxweynaha Somaliland ugula tagay in labada Xisbi Mucaarad laga taageero in laba Xarumood oo waaweyn oo sameeyo.

Illo-wareedyada u dhuun daloola kulanka Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa sheegaya Madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu codsiga Guddoomiyaha ka biyo diiday isagoo ku qanciyay in ay Miisaaniyadda Maamulka ku leeyihiin kharash ay adeegyadooda ku fushadaan isagoo ka dalbaday in aanu u soo horkicin Axsaabta Mucaaradka ah.

Muuse Biixi Cabdi ayaa habeen hore Qasriga Madaxtooyadda ku shubay Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo aan la garanayn waxa ay kala hadleen Madaxweynaha.

X.allbanaadir.com
H.w.Sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s