Feysal Cali Waraabe oo u gefay Cali Mahdi Maxamed, Xassan Sheekh iyo Cabdi Qaasim Salaad Xassan.

Hogaamiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa waxa uu si aad ah ugu gefay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliyeed iyo kan hada taliya isaga oo ku tilmaamay rag qaldan oo ku riyooda wax aysan gaari Karin.

“Nimankaan Reer banaadiriga ah waa rag qaldan. Kasoo bilaabaaw Cali Mahdi ilaa Xassan Sheekh waxa ay ku riyoodaan wax aan suura geleyn. Waxa ay ku cel-celiyaan in ay xukumaan Raas-Caseyr iyo Raas-kanbooni. Waxa ay ku waramayaan fiiri. War tuula ay leyihiin hadii ay jirto maamul haka sameetsaan Somalimand inaga ayaa u talineynee”, Waraabe ayaa ku waramay.

“Dib u fiiri Taariikha Soomaaliya waligeen innaga ayaa isu keeni jirnay. Cali Mahdi , Cabdi Qaasim iyo Xassan Sheekh midna taarkiih uma laha awoowayaashood in ay Soomaaliya arinteeda ka hadlaan”, intaa ayuu ku daray hadalkiisa.

Hogaamiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, “Cabdullahi Yuusuf inkasta oo uusan Somaliland jecleyn hadana waxa uu ahaa goob oo waxa ay Reer Banaadirigu ku hadlaan wuu ka xishoon jiray. Waligii sooma hadal qaadin in uu Somaliand doonayo Soomaaliya inteeda kale in ayb lamidoowdo”.

Hadalka meel kadhaca Ah ee Feysal Cali Waraabe u geestay madaxdii dalka kula danbeysay ayaa waxa uu imaanayaa xilli waayihii danbe hadalada afkiisa kasoo baxaya ay noqdeen kuwa aan xadidneen dadkuna aad ula yaabeen.

X.allbanaadir.com
Q.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s