Axmed Madoobe oo socdaal ku tegaya deegaanka kaliya ee ay ku suganyihiin Shacab Soomaaliyeed oo taageera hamigiisa guracan.

Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe oo sheegta in uu yahay madaxweynaha xaqa ah ee Jubaland in uu ku wajahanyahay deegaanada Puntiland.

Axmed Madoobe ayaa waxaa la sheegay in uu socdaalka deegaanka Puntiland ku tegayo ka bilaabi doona sida la sheegay dhaawaca maleeshiyaadka Kismaayo laga soo daabulay ee lagu dabiibayo Gaal-kacyo kuwaas oo uu u sheegi doono in ay difaacayeen maamul xaq ku dhisan hasa yeeshee dowlada Soomaaliya ay diidantahay.

Booqashada dhaawacyada kadib ayaa waxaa la sheegay in Axmed Madoobe uu tegi doono halka laga soo min-guuriyay calanka iyo Dastuurka Jubaland oo ah xarunta looga arimiyo Puntiland ee Garoowe halkaasi oo uu kula kulmayo laf-dhabarta hamiga Axmd Madoobe oo ah Cabdi Rxmaan Faroole.

Iyada oo Puntiland ay tahay deeegaanka kaliya ee laga taagersanyahay fowdada Axmed Madoobe uu Kismaayo ka wado iyo xasuuqa uu ku hayo qabaa’ilada kala duwan ayaa waxaa la shegayaa in uu socdaalkiisa kusoo geba gebeyn doono magaalada Qardho oo dhawaan lagu aasi doono Boqorkii Daarood ee dhawaan qaarada Yurub ku geeriyooday.

X.allbanaadir.com
Q.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s