Sheekh Xasan Daahir oo wali diidan sadax arimood ay Dowlada Soomaaliya hor dhigtay si loo sii daayo.

image

Warar Hoose aan helnay ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab iminkana ku xiran Xabsi ay leedahay Dowlada Soomaaliya uu wali ku adkeesanaya go’aanadiisii hore .

Sheekh Xasan Daahir ayaa wali diidan in uu ka tanaasulo dagaal wax ku raadinta waxa uuna wali ku dhagan yahay sida aan xogtan ka helnay ilo ku dhaw dhaw eheladiisa fikirkiisii hore ee ahaa in uu dagaal wax ku raadsho maadaama sanado badan uu soo waday dagaal uusan wali natiijo ka gaarin.

Dowlada Soomaaliya ayaa hor dhigtay Sheekh Xasan Daahir Aweys dhoor arimood si loo sii daayo looguna wareejiyo dal kale si noloshiisa halkaasi ugu qaato.

Sadaxda arin uu Xasan Daahir Diiday Dowladana hor dhigtay ayaa kala ah

1-In uu ka tanaasulo fikirka Dagaalka uuna ka toobad keeno intii uu dagaal soo waday .

2-in uu Warbaahinta ka hadlo uuna Cafis Weediisto Dowlada Federaalka uu dagaal kala horjeeday iyo Shacabka Soomaaliyeed oo rasaastiisa in badan wax yeeleesay.

3-In Sheekh Xasan Daahir Aweys Cadeeyo in hab dhaqanka Al-Shabaab iyo dagaaladii uu mudada ku jiray in ay ahaayeen wax qaldan uuna imanka ka toobad keenay gafkii iyo dagaaadii qaldanaa uu mudada soo waday.

Sadaxdaas arimood oo la hor dhigay Sheekh Xasan Daahir Aweys si xuriyad loo siiyo ayuu wali ka biyo diidan yahay waxa uuna si cad u diidan yahay in uu fikirkiisa Warbaahinta ka cadeeyo uuna Cafis warsado Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed uu u horseeday dagaal iyo barakicin.

Waxaa wali socda dadaalo dheeraad ah oo Sheekh Xasan Daahir looga codsanayo in uu isbadal sameeyo uuna ogolaado qodobada aan hada soo sheegnay iyo kuwa kale si Mustaqbalkiisa dambe uusan mugdi u galin.

X.Allbanaadir.com
Q.w.Sugulle
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s