Shabaab oo fagaare ku toogtay dad ay xukumeen kana war bixiyay waxa ay ahaayeen raga la khaarijiyay.

image

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, oo Fagaaraha kula hadlay dad isugu soo baxay in ay fiirsadaan rag ay khaarijinayen Shabaabka Buula Mareer ee gobalka Sh/hoose , ayaa wuxuu sheegay in ay xukun dil ah ku fuliyeen sedax nin oo ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa wuxuu xusay in laba habeen kahor ay dagaalamayaasha Ururka Al Shabaab ka soo qabteen sedaxda nin inta u dhaxeyso Shalaanbood iyo Janaale ee Gobolkaasi kadib howl-gal SHabaabku fuliyeen

Abuu Cabdalla ayaa wuxuu ku goodiyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo la shaqeysa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo Dowladda Federalka ee Soomaaliya oo Shabaabku dagaal xooggan ay kula jiraan.

Kooxda Shabaab ayaa inta badan dadka ay fagaarayaasha ku khaarijiyaan waxa ay u yeelaan eedooyin fara badan kuwaas oo ay ku baneysanayaan dhiigooda, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dadyowga qaar dilal lagu fuliyay aysan shaqo ku laheyn waxa lagu eedeynayo hasa yeeshee birta lagu boobsiiyay.

Q.W.Sugulle
Hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s