Qaramada Midoobay oo markii ugu horeysay ka hadashay qabashadii Xassan Daahir Aweys.

image

Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay war kasoo saareen Xarigga ninka xilliga dheer duur ku jirka ahaa ee Xassan Daahir Aweys kaas oo mudo maalma kooban gacanta ugu jira dowlada Soomaaliya.

“Waa wax lagu farxo waana arin wanaagsan. Waxaa ladhihi karaa in ay tahay tilaabo dhanka wanaaga loo qaaday in Xassan Daahir Aweys uu gacanta dowlada Soomaaliya”, sidaas waxaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska war-faafinta ee Banki-moon.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka aamusnaayeen arinta Xassan Daahir tan iyo markii uu gacanta dowlada Soomaaliya soo galay isaga oo baxsad ka ahaa kooxda Shabaab oo is-khilaaftay.

Xassan Daahir Aweys waxa uu ku jiraa liiska dadka sida aadka loo doon-doonayo ee Qaramada Midoobay, iyada oo loo heesto dhibaatooyin fara badan oo dalka Soomaaliya ka dhacay intuu uu kamid ahaa qolyaha dagaalka hubeysan ee lagu hoobtay.

Si kastaba, Xassan Daahir Aweys ayaa waxa uu kasoo baxsaday kooxda Shabaab waxa uuna si magangalya ahaan isugu dhiibay maamulka Xibin iyo Xeeb halkaas oo ugu danbeyntii looga dhaadhiciyay in Muqdisho la keeno inkasta oo uu xabsi galay wixii ka danbeeyay markii diyaaradii waday ay kasoo degatay Muqdisho iyada oo arintiisa la sheegay in ay u fududaan karto hadba tilaabada uu qaato isagu

X.Allbanaadir.com
Q.W.Sugulle
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s