War Deg Deg Ah Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamo taageersan Faroole iyo Mucaaradkiisa oo hada kasocda Magaalada

Wararka aan hada ka heleyno Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka daacada u ah Madaxweynaha Puntland ee C/Raxmaan Faroole iyo Shacab careesan oo siyaasdiisa kasoo horjeeda ayaa hada kasocda Xaafado kamid ah Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa ah mid hub culus la isku adeegsanayo waxa uuna socdaa in kabadan Saacad iyadoona Goob joogayaal kusugan halka uu dagaalku kasocdo ay sheegayaan in shacab badan oo kasoo horjeeda Siyaasada Faroole iyo Xisbigiisa ay hub lasoo baxeen dagaal culusna kala hor tageen Ciidamada amaanka Puntland.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Waqooyi Magalaada Gaalkacyo ka bilaabeen Mucaaradka Faroole dibad bax ay ku diidan yihiin Xisbiga Faroole ee Horseed iyadoona dibad baxayaasha ay damceen in ay ku hor banaan baxaan afaafka hore ee Xafiiska Horseed balse Ciidamadu rasaas adeegsadeen sidaana uu dagaalku ku qarxay.

Dagaal ayaana wali kasocda Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Xaafada kamid ah lamana oga ilaa hada qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka ilaa wali socda mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan dagaalka hada socda.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

X.allbanaadir.com
Q.W.Sugulle Mohoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s