waa-imisa-tirada-gabdhaha-lagu-kufsaday-magaalada-kismaayo-shalay-iyo-maanta.html

image

Shalay iyo maanta ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ka dhacay falal kufsi la xiriira, oo loo geystay qaar ka tirsan gabdhaha reer Kismaayo, iyadoo aysan weli arintaasi ka hadlin Maamulka Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay u kuur galeen, sidii ay u ogaan lahaayeen hablaha lagu kufsaday Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in 12 hablood si rasmi ah loogu kufsaday Magaalada Kismaayo, waxaana geystay buu yiri Ciidanka Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe.

Xildhibaan Jeesoow ayaa wuxuu sheegay in falalka kufsigaan ay ka kala dhaceen Xaafadaha Guulwade iyo Via Afmadow, oo ay horey ugu sugnaayeen Ciidamada Dowladda iyo Barre Hiiraale, oo laga saaray.

Daahir Amiin Jeesoow ayaa wuxuu sheegay inaysan Dowladda Soomaaliya weli wax jawaab ah ka bixin gabdhaha sida xun loogu kufsaday buu yiri Magaalada Kismaayo, taasina ay hoos u dhigeyso sharafta Dowladda.

Q.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s