Nin Soomaali ah oo Lagu Eedeeyay in uu Kufsaday Gabar Yar oo Saqiir ah oo lagu xukumay Lix sano!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Qoyska iyo qaraabada gabar yar oo Danish ah oo 10 sano jir ah oo uu kufsi u geystay nin Soomaali ah ayaa waxay caro weyn ka muujiyeen islamarkaana ay ku tilmaameen mid aan la aqbali karin go’aan ka soo baxay maxkamad ku taal dalkaas

Qoyska gabadhaan yar ee 10 sano jirka ah ee uu kufsaday nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Axmed Cumar Moxamed ayaa waxay caro xoogan ka muujiyeen go’aan ka soo baxay maxkamad ku taal dalka Denmark oo lagu sheegay inaan ninkaas Soomaaliga laga masaafurin karin dalka Denmark ka dib marka uu soo dhamaysto xukunkiisa arintaas oo yaab ku noqotey qaraabada gabadhaas yar ee uu ninkaas kufsiga u geystay, Sidoo kale ayaa waxaa arintaas ku tilmaamay mid aan la aqbali karin gabar kale oo iminka 19 sano jir ah oo ninkaas horey u weeraray oo uuna isku dayey inuu kufsado iyadoona ay dhamaan dadkaas sheegeen inaan la aqbali karin inuu ninkaas ku sii noolaado dalka Denmark.

Ninkaan Soomaaliga ah oo ku nool dalka Denmarka ayaa waxa la sheegay inay maxkamd ku taal dalkaasi ay xukun ku riday ka dib markii ay ku cadaatay inuu kufsaday gabar yar oo saqiir ah oo 10 sano jirtey iyo inuu sidoo kale uu isku dayey inuu kufsado gabar kale oo 18 sano jir ahayd, Ninkaan oo lagu magacaabo Axmed Cumar Moxamed oo ayaa waxaa la sheegay inay maxkamad ku taala dalka Denmarka ay ku xukuntay xarig dhan 6 sano iyo in dalka laga musaafuriyo , Ninkaan Soomaaliga ah oo kufsiga ka geystay magaalda lagu magacaabo Herning gaar ahaana xaafada Gullestrup ee dalkaas Denmarka sanadkii 2011 ayaa waxaa uu gabadhaas ka helay goobaha ay caruurta ku ciyaaraan iyada iyo saaxiibteed oo 9 sano jir ahayd laakiin gabadhaas ayaa goobta ka baxsatey oo ka carartey halkaas iyadoona uu intaas ka dib uu ninkaas uu gabadhaas yar uu halkaas ku fara xumeeyey oo uuna ku kufsaday,

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas ay maxkamadu sheegtay inaan laga musaafirinaynin dalka ayaa dhibanayaashii uu ninkaas waxyeelada u geystay ay arintaas ku tilmaameen mid laga xumaado iyadoona labada gabdhoodba ay nolosha ku adkaatey ilaa iyo xiligii uu ninkaas waxyeelada u geystay, Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada ninkaas deganaan jirey ayaa iyagu sheegay inaan ninkaas lahayn meel loo celiyo, Laakiin waxaa rintaas sidoo kale car weyn ka muujiyey qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dalka Denmarka oo ku tilaamay inaan arintaas sinaba loo aqbali karin iyagoona sheegay inay arintaan ka qaadan doonaan abiil oo ayna la kori doonaan maxkamada sare si ninkaas mar kale looga musaafuriyo dalka Denmark.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s