Khilaafka ka taagan Arrinta Xassan Dahir Aweys oo ay kusoo biiren Dowladaha Turkiga,Qadar iyo Norwey.

image

Warar gowr dhow soo gaaray Xarunta Allbanaadir ee Magaalladda Muqdisho, ayaa sheegaya in Khilaafka ka taagan Musaafurinta Xassan Dahir ay kusoo biireen Saddax Dowladood oo kala ah Turkiga,Qadar, Norwey kuwaasoo iminka wada qorshe Xassan Dahir looga saarayo Magaalladda Muqdisho.

Saddaxdaasi Dowladood ayaa waxaa la sheegayaa in Dowladda Somalia iyo Sirdoonka Britain iyo Maraykan ku cadaadinayaan in Xassan dahir loo musaafuriyo Dalka Qadar oo mudooyinkaani la saadalinaayay in Xassan Dahir loo wado.

Saddaxda Dowlad ayaa waxa ay muddo badan ku howlanaayen sidii Xassan Dahir loogayn laha dalka dibadiisa loogana saari lahaa Fikirka xagjirnimada ee uu aaminsan yahay ilaa iyo iminka..

Dowladda wax war ah kama aysan soo saarin weli Dadaaladda Qadar,Turkiga iyo Norwey , waxa ayna wararku sheegayaan in Dowladda Somalia ay diirada saareyso go’aamada kasoo baxa Sirdoonka Maraykanka iyo Britain oo mug iyo miisaan ku leh gayiga Somalia.

Ugu dambeyntii, Xukuumadda Somalia ayaa waxa ay gacanta ku heysaa Codsiyo badan oo ka imaanaya Caalamka oo ku aadan Xassan Dahir, mana aysan weli ka bixin wax Jawaab ah.

X.alllbanaadir.com
Q.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s