Gudoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya oo si kulul uga hadlay eedeymaha loo soo jeediyay

Cabdisalaan Cumar Hadliye, gudoomiyaha Bandhiga dhexe ee Soomaaliya ayaa kadib markii ay soo baxday eedeyn qaramada midoobya ay soo saartay oo ahaa in lacago fara badan uu isbada mariyay ayaa waxa uu gaashanka u daruuray waxyaabaha loo soo jeediyay.

Hadliye ayaa waxa uu yiri, “Waa been abuur warkaan soo baxay. Aniga waxa aan joogaa wax aan ka badneyn shan bilood. Lacagaha ku qoran war-bixintana waxaa kamid ah kuwa sanado kasoo wareegeen xilligaasna waxaan ahaa latliye wasaarada maaliyada. Aniga ma ogi meel lataliye lacag ku lunsan karo. Hada inta aan joogayna waxa aan hubaa in aan lacag qaldan ka bixin bank-ga”.

“Aniga waxaan doonayaa in aan cadeeyo qolyaha war-bixinta qaramada midoobay ay qaldanaayeen una baahanyihiin in wax laga weydiiyo halka ay ka diyaariyeen iyo cida ay xigteen. Raga magacyadoodu ku qoranyihiin war-bixinta dowlada shaqo ayeey u hayaan lacagaha si sharciga waafaqasan ayeey uga qaateen Bank-ga”, Cabdisalaan Cumar Hadliye, gudoomiyaha Bandhiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku waramay.

Hadalka Cabdisalaan Cumar Hadliye, gudoomiyaha Bandhiga dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa kadib markii Warbixin ay diyaarisay Qaramada Midoobay lagu sheegay in la lunsaday lacag gaareysa $12 milyan oo la sheegay in lagala baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ee ku yaalla Muqdisho, iyadoo warbixintu ay ku eedeysay guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdisalaan Cumar Hadliye, inuu ku lug leeyahay lunsashada lacagta.

Si kastaba, waxaa laga war-sugayaa halka ay sal-dhigato eedeynta loo soo jeediyay madaxda bank-ga dhexe iyada oo ay xusid mudantahay in dowlada Soomaaliya ay horay u sheegtay in la dagalaanka musuqu uu yahay ahmiyadahooda ugu horeeyo.

X.allbanaadir.com
Q.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s