ganacsade claahi ceelbuur oo lagu toogtaymagaalada kismaayo.

image

Wararka ka imaanaaya Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo, ayaa waxay sheegayaan in galabta lagu dilay mid kamid ah ganacsatada sida weyn leh looga garanaayo Magaalada Kismaayo.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray C/laahi Ceelbuur, ayaa waxay Ciidamada Raaskambooni ay ku dileen Xaafadda Faanoole, halkaasoo uu ku lahaa bakhaar ganacsi.

C/laahi Ceelbuur ayaa la dilay xilli uu sii galaayay bakhaarkiisa ganacsi, isla-markaana uu watay bac madow oo ay ugu jireyn lacago shilin Soomaali iyo dollar.

Guud ahaan lacagta laga qaatay C/laahi Ceelbuur, ayaa waxaa caddadkeeda lagu sheegay lacag dhan boqol iyo labaatan dollarka Mareykanka ah ($120US) isugu jira.

Dilka ninkaan oo ay geysteen Ciidamada Ururka Raaskambooni, ayaa waxaa la xaqiijyay inay isaga baxsadeen Xaafadda Faanoole, oo ay ku dileen, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Raaskambooni.

Q.W.Sugulle Mahamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s