Faah Faahin Dheeraad ah oo ku Saabsan Dagaalkii Maanta ka Dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyo Xaalkadda oo Dagan!!

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo,kaasi oo udhaxeeyay ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland iyo sidoo kale shacab diidan Xisbiga Madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale Xaalada Magaalada ayaa hada dagan iyadoo shacabkii iyo ciidankii ku dagaalamay magaalada ay kala dabqaateen.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalka udhaxeeyay,waxaana lasoo sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay gaarayaan ilaa 10-ruux.

Dhanka kale Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Saraakiisha dhanka ammaanka maamulka Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ilaa iyo iminka kama aysan hadlin dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee udhaxeeyay dadka diidan xisbiga Madaxweyne Faroole iyo Booliiska.

Ugu Danbayntii Xisbiga Madaxweynaha maamulka Puntland ee Horseed ayaa muddooyinkaan dambe waxa uu olole siyaasadeed oo ballaaran uu ka waday Magaalooyinka deeganada maamulka Puntland

Wixii Warar ah ee Soo Kordha Kala soco Wararkayaga Danbo Insha Allah

Q.w.Sugulle.Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s