Dhibaatada Ay Somalida Aan Xorta Ahayn Ku Hayso Somalia Maanta (Warbixin Xasaasi ah)

Waxaa Geeska Afrika badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Dunida (1939-1945) ka soo shaac-baxday Aragtidii Somaliweyn. Halgamadii xornimadoonka ahaa ee dadyowgii Somalida ee ku noolaa Geeska Afrika oo ay kala hoggaaminayeen Ururkii SNL iyo SUP ee Somaliland, iyo Ururkii SYL ee Somalia waxay hilowga himaladoodu iyo riyaaqooda wadaninimo ku salaysnaa in la xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed si loo helo dawladweyn oo Somaliyeed oo ka dhalata Geeska Afrika. Somaliland ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Somaliyeed oo xorooba isla markaana hirgesha figradda Somaliweyn. Markii Somaliland ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska Bishii June 26dii, 1960 waxay markiiba la midowday Somalia oo ka xorowday dawladdii Talyaaniga bishii July 1dii, 1960.

Nasiib-darrose waxaa dhacday laba arrimood oo burburiyay himiladii Somaliweyn. Waa midda kowaade, Jabuuti oo ka mid ahayd 5ta Somaliyeed waxay diiday inay ku soo biirto Somaliweyn isla markaana noqotay dawlad madaxbanaan. Waa midda labaade, Somaliland oo ka noqotay midowgii ay la lahayd Somalia 1991 ka dib markii dhibaato weyni dhexmartay labada dal, sidaasna ay ku fashilantay Aragtidii Somaliweyn.

Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee gumaysigu u qaybiyay sida dalal badan. Somaliland, Jabuuti, iyo Somalia waa xor. Somali Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo Kenya. Saddexda xorta ah ma muuqato inay midoobi. Labada la haysto ma muuqato goor ay xoroobi, haddii ay xoroobaanna ma muuqato inay aaminsanyihiin figradda Somaliweyn. Sababta ay Somaliweyn u fashilantay waxa weeye Somalida oo si foolxun sida Carabta u aaminsan qabyaaladda iyo xukun-jacaylka taas oo keentay inay si foolxun isugu tacadiyaan. Somalidu waxay isku dishaa iskuna xasuuqdaa magac qabiil taas oo ka baxsan Diinta Islaamka iyo nidaamka dawladnimada. Sidaas awgeed Somalidu way kala aamin-ka-baxday, kala aamin-ka-baxaas waxaa uu noqday wedka Somaliweyn.

Dadyowga Dalalka Somalida xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada gobol ee Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad ahaan way u taageerikaraan. Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u dhalatay gobolladaas sida ay isku xorreeyeen dadka Koonfurta Sudan. Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia ee ka koobnayd Somaliland iyo Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii 1977 si ay u xorrayso dhulka Somali Galbeed waatii la ogaa ee adduunku ku kacay kuna khasbay dawladdii Somalia inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto xuduudeeda, dagaalkaas oo dhaqaale iyo ciidanba lagu waayay.

Kadib markii ay fashilantay Aragtii Somaliweyn oo ahayd in la xorreeyo 5ta Somaliyeed, hal calan iyo hal dawladna la hoos keeno ayaa waxaa dhacday in Figraddii Somaliweyn ay maanta isku bedeshay siyaasad isku dul-dul-noolasho taas oo Somalida aan xorta hayn ku mamaan xukunka, hantida, iyo dhulka Somalida xorta ah kana jeestaan xorraynta dhulalkooda sida maanta ka socota Kismaayo. Haddaba waa maxay dhibaatooyinka Somaliweyn ku hayso Somalia maanta, sideese looga bixikaraa?

Dhibaatooyinka ay maanta Figradda Somaliweyn ku hayso Somalia waxaa ka mid ah:

1. Somalia (Koonfurta) oo ay maanta ka dhacayaan waxyaabo la yaab leh, taas oo caddayn u ah dhibaatada ay Somaliweyn ku hayso dalkaas. Kismaayo waa magaalo madaxda Jubbada Hoose ee Somalia oo ah dal xor ah. Waxaa la xaqiijinayaa in milliishiyada Kismaayo dagaalka ku qabsaday iyaga oo taageero ka haysta ciidamada dalka Kenya kana soo horjeeda dawladda Somalia uu xoogoodu ka yimid Somalida Kilinka 5aad ee Itoobiya iyo Waqooyi Bari Keenya. Kooxdan oo ku soo gashay gobolladaas magaca Somaliweyn ayaa waxa la sheegayaa in qorshahoodu yahay inay goostaan Gobollada Jubooyinka iyaga oo taageero ka haysta dalka Kenya oo amar ka qaadan Unisom iyo dawladda Somalia.

Gobolladan waxaa deggan oo leh beelo badan oo Somaliyeed oo ka soo horjeeda Ciidamada Kenya iyo milliisiyadda hubaysan ee ay taageeraan, waxayna dagaal kula jiraan labadaas Ciidan si aan looga barokicin dhulkooda loogana goyn Somalia oo ay ka tirsanyihiin. Jubbooyinku waa gobollada ugu qanisan Somalia, waa isha nolosha iyo nafta dadkeeda, waxbana Somalia la hadhimayso si ay u badbaadiso jiritaankeeda. Haddii xiisadda Kismaayo sii socota Kenyana si cad ula safato kooxda qabsatay magaalada, waxay markaas soo dedajinaysaa dagaal ka dhex-qarxa Kenya iyo Somalia kaas suurtogal ah inuu Kenya u soo jiido jab, burbur dhaqaale, iyo qalalaase ku fida Waqooyi Bari Kenya waayo ummadda Somalia marnaba ma dhacayso in looga adkaado dhulkeeda hooyo ee ay difaacayso.

Waxaa maanta dawladda Somalia waajib ku ah inay ciidamada Kenya deg deg uga saarto dhulka Somalia (Jubbooyinka) intaan dhulkeeda la kala goyn, haddii dawladda Kenya diidana lagu iclaamiyo dagaal weyn oo xorrayn ah oo lala galo Ciidamda Kenya isla markaana laga saaro milliisiyadda la safan ee ka so duushay gobollada Somalida aan xorta ahayn laguna cesho degaamadooda. Addisaba iyo Nairobi midna xaq uma laha inay farogeliyaan madaxbanaanida Somalia iyo wadajirka dhulkeeda ama ka hadlaamba. Waa sidaas sida keliya ee looga bixikaro dhibaatada Figraddii Somaliweyn ay ku hayso maanta Dalka Somalia ee Xorta ah. Sidaas oo keliya ayaa lagu badbaadinkaraa maanta madaxbanaanida Somalia iyo wadajirkeeda dhuleed ee xorta ah. Dawladda Kenya waxay markii horeba Jubbooyinka ku soo gashay amar la’aan iyo damaaci gumaysi madow oo ay dabada ka riixayaan Somalida Kenya ee aan u dhalan Somalia.

2. Dadka xukuumadda Somalia la dabajooga markasta shirqoolada iyo mooshinada lagu ridayo ee ku salaysan qabyaaladda iyo laaluush-raadinta oo Somalia ka degila’dahay sida xukuumadda Talyaaniga waa xubno baarlamaan iyo wasiirro ka soo kala jeeda Kilinka Shanaad ee Itoobiya, Waqooyi Bariga Keenya, iyo Somaliland, waxaanay dhammaantood ku soo galeen baarlamaaanka Somalia magaca Somaliweyn.

3. In badan oo ka tirsan baarlamaanka iyo wasiirada Somalia waxay ka kala socdaan 5ta Somaliyeed iyaga oo ku soo galay Somalia magaca Somaliweyn waxayna Somalia ka dhiseen Fadaraalka Somaliweyn oo ah dawladnimo ay ku danaystaan, arrintaas oo beelo badan oo ka tirsan dadka Somalia ka duudsiyay jagooyin, darajooyin badan, iyo hanti badan oo ay xaq u lahaayeen inay saami ahaan u helaan.

4. Xubnaha barlamaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee ka soo jeeda Somaliland, Jabuuti, Waqooyi Bari Kenya, iyo Kilinka 5aad ee Itoobiya ma matalaan dalalka iyo gobollada ay ka soo jeedaan awoodna uma laha inay tagaan. Kooxdan kuma kaalmaynkaraan Somalia ciidamo iyo cashuur dhaqaale oo lagula dagaallamo laguna jebiyo Kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada weyn ku haysa Somalia. Baarlamaanada iyo Xukuumadaha Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad, iyo Waqooyi Bari kuma jiraan dad u dhashay Somalia. Markaas su’aashu waxay tahay: Maxay ku mutaysteen inay xubno ka noqdaan baarlamaanka iyo xukuumadda Somalia?

Taariikhdii 1960kii waxaa israacay Somaliland iyo Somalia ee isma raacin 5ta Somaliweyn. Xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ku jira Baarlamaanka iyo xukumadda Somalia iyaga waa la gartay oo waxay malaha hiigsanayaa midnimadii hore ee labada dal dhexmartay. Haddaba su’aashu waxay tahay: Maxay xubnaha ka soo jeeda Kilinka 5aad, Waqooyi Bari Keenya, iyo Jabuuti ugu jiraan Baarlamaanka iyo Xukuumadda Somalia? Jawaabtu waxay tahay waxay ku soo gabbadeen magaca Somaliweyn oo aan jirin, waxayna xubnahan intooda badan taageersanyihiin maanta boobka lagu hayo Kismaayo iyo Jubbooyinka si looga gooyo Somali!ia, waana taas dhibaatada laga dhaxlay maanta Somaliweyn oo dadka Somalia aanay weli fahmin dhagarta ay huwantahay

5. Kuwa ku danaysta magaca Somaliweyn ee ka tirsan barlamaaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee Somalia kana kala yimid Somaliland, Kilinka 5aad, iyo Waqooyi Bari Kenya waxay si joogta ah isugu diraan Somaliland iyo Somalia si ay u sii kala fogaadaan.

Maanta kuwa Somaliweyn aan jirin u qaylinaya waxaa u badan Somalida ka tirsan Itoobiya iyo Kenya waayo waxay ku mameen hantida, xukunka, iyo dhulka Somalida Xorta ah laga soo bilaabo xukunkii Siyaad Barre. Arrintanu waxay caddaynaysaa in Somaliweyn noqotay maanta siyaasad la isku dul-noolaado (Somaliweyn has become parasitic philosophy), siyaasad kuwa aan xorta ahayn ku soo gabbadaan magaca Somaliweyn si ay u soo galaan Somalida xorta ah oo ay u dulmiyaan kana jeestaan inay xorraystaan dhulkooda. Waxaa kale oo ay maanta Somaliweyn isu bedeshay siyaasad lagu boobo gobollo ka tirsan dal kale sida maanta ka socota Jubbooyinaka Somalia.

Nabadgelyo la’aanta maanta Somalia ka jirta waxaa u sabab ah hugun Somaliweyn aan jirin oo u diidan in dadka Somalia gacantooda ku maamushaan dawladnimadooda soona ceshaan nabadgelyadooda. Somalia waxaa leh dadka Somalia waxaana ku waajib ah madaxdooda, siyaasiyiintooda, madaxdooda dhaqanka, iyo indheer-garadkooda inay ka baxaan hugunka aan jirin ee Somaliweyn oo gacanta ku dhigaan talada iyo aayaha ummadooda iyo dalkooda iskana caydhiyaan kuwa ku soo galay dalkooda magaca Somaliweyn oo isku taxay jagooyinka iyo darajooyinka aanay xaq u lahayn ee laga boobay dadka Somalia isla markaana guranaya maalkooda si ay daaro uga dhistaan gobollada ay ka soo jeedaan, kuna dadaalaya maanta inay Gobollada Jubooyinka ka goostaan Somalia.

Ninka Reer Masar ah ee gala Jordan ama dal kale oo Carbeed marnaba uma suurtowdo inuu ka helo jago wasiir ama uu darajo ka qaato dalkaas. Dalalka Carabta ee kala deggan Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe (18 dal) midkasta dawladnimadiisa isagaa leh oo ay gaar u tahay iskumana xad-guudbaan iyaga oo ah isku af, Diin, midab, dhaqan, iyo caado. Qofku dal kale waa ka shaqaysankaraa haddii aanu faragelin ku samayn dawladnimadiisa. Somalidu Carabta iskagama dhawa.

Dulmiga iyo tacadiyada Somalia iyo Somaliweyn u geysteen ummadda
Somaliland xilligii midowgu ka sokow, waxaa kale oo Somailand aanay marnaba ula midoobayn Somalia waa dawladda fawdada ah ee aan la kala lahayn kuna salaysan Somaliweyn aan jirin maanta lana garanayn inay rumoobi iyo in kale. Lama saadaalinkaro samanka 5ta Somaliyeed oo xor ah inta la arko ay Figradda Somaliweyn madaxa la soo kacdo mar labaad, lamana garanayo inay midoobi iyo in kale. Haddaba su’aashu waxay tahay: Maxay ummadda Somalia danaheeda ugu seegaysaa dadyow Somaliyeed oo aan la hubin inay isku imanayaan iyo in kale iyadana khatar dhulkeeda ku haya maanta? Samankan Figradda Somaliweyn waxay isku bedashay Siyaasad ku dhisan dulmiweyn iyo isku-dul-noolaasho taas oo Somalida aan xorta ahayn ku soo qulqulaan kuna mamaan xukunka, hantida, iyo dhulka Somalida xorta ah kana jeestaan inay xorreeyaan dhulkooda. Ummadda Somaliland marnaba ma aqbalayso in magaca Somaliweyn mar labaad lagu xukumo, lagu dulmiyo, lagu boobo, lagu xasuuqo, laguna burburiyo dadkeeda iyo dalkeeda sidii dhacday intii u dhaxaysay 1970-1990.

Nabadgelyada iyo horumarka maanta ka jira Somaliland iyo Jabuuti waxaa sabab u ah dawladnimada oo ku jirta gacanta dadka iska leh oo ka ilaaliya Somaliweyn aan jirin, una daacad ah horumarka dalalkooda. Gobolka Kilinka 5aad ee Itoobiya waxa uu leeyahay maamul u gaar ah oo gacanta ugu jira Somalida gobolkaas u dhalatay oo qudha. Sidaas oo kale, dadka metala gobolka Somaliyeed ee Waqooyi Bari Kenya waa dadka u dhashay gobolkaas oo qudha. Dadbaa aaminsan in haddii qofku diido magaca Somaliweyn uu ka baxayo Somalinimada. Somaliweyn diin maaha balse waxay ahayd aragti isbahaysi qawmiyad ama jinsi rabay inay midoobaan oo suurtogeliweyday laakiin Somalinimo waa dareen qawmiyadnimo ama jinsinimo oo ka dhaxeeya 5ta Somaliyeed oo astaan u ah xidhiidh sokeeye iyo walaaltinimo aan la isku xad-gudbin.

Waxaa Qoray: Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: July 2, 2013

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s