Ciidamo Dowlada oo Muqdisho cagaf ku marsiiyay caruur ku jirtay guri ay xoog ku duminayeen(Dhacdo Xanuun badan)

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxa ay dileen cunug aad u da’yar xilli ay ku guda jireen duminta guryo ku yaalla degmada X/jajab ee gobalka Bagaandir.

Qisada layaabka leh ee cunugga da’yar ay ku dileen ayaa waxa ay dhaacday kadib markii ay guri kor ka xirnaa oo maamadii ay suuqa ka aaday kuna xirtay cunug yar oo hurdaayay ay u yimaadeen qolyihii cagafta kexeynayay kadibna ay bilaabeen iyaga oo aan hubin in lagu jiro in ay dumiyaan xalkaas oo cunugii yaraa naftiisa uu ku waayay.

Dadka goob-joogayaasha ahaa ayaa waxa ay qireen in hooyadii cunuga dhashay ay timid iyada oo wali dumintii socoto oo cid ogba aysan jirin in wiil yar cagafta afkeeda lagu dilay iyada oo durbadiiba ooyin ladhacday oo ku qeylisay, “Aaway wiilkeygii malugu dumiyay?”.

Intaas kadib ayaa bur-burkii guriga waxaa laga baaray cunugii yaraa iyada oo loogu tegay hilbihiisa oo goo’go’an arintaas oo dadkii arkay qaaarkood ku qasabtay in ay matagaan calool xumada darteed.

Halka musiibadu ka dhacday ayaa waxa ay tahay agagaarka Afisiyooni halkaasi oo waayihii danbe ay kasocotay duminta xaafad Oobasiiba ah oo dhisantahy wixii ka danbeeyay bur-burkii dalka.

X.allbanaadir.com
H.W.Sugulle
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s