Ciidamada Xisbada ee Al Shabaab, ayaa waxay xukun dil toogasho leh ay ku fuliyeen laba nin oo rayid ah, xilli ay ku eedeeyeen inay basaasiin yihiin.
Labada nin ee ay toogteen Ciidamada Xisbada, ayaan jirin wax Maxkamad ah oo la soo taagay, sidoo kalana majirto Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ka hadlay toogashada dadkaan.
Labadaan nin ayaa waxay Xoogaga Shabaab ku qabteen Deegaanka Oorgaafan ee duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, xilli la sheegay inay beerahooda u socdeen.
Ehelada labada nin ee la dilay ayaa waxay sheegeen inay si weyn uga naxeyn, kadib markii loo soo sheegay inay toogteen Ciidamada Xisbada ee Al Shabaab.
Arintaan ayaa waxaa la rumeysan yahay inay salka ku heyso khilaafaadka ka dhex taagan Ururka Al Shabaab, oo si rasmi ah ugu kala jabay laba garab, sidoo kalana ay dhexdooda is dilayaan.
Q.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway