AMISOM oo ka hadashay eedeynta Dowlada Soomaaliyeed ay u jeedisay ciidanka Kenya ee kismaayo kusugan.

image

Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Cali Aadan Xumad ayaa waxa uu sheegay in ay u saaren guddi soo baara arinta Kismaayo kaadib markii dowlada Soomaaliya ay edeyn u jeedisay ciidanka Kenya ee halkaasi ku suagan.

Cali Aadan Xumad ayaa waxa uu yiri, “Gudi soo baara eedeynaha dowlada Soomaaliya ay u jeedisay ciidanka Kenya ee Soomaaliya ayaan sameynay waana ku guda jirnaa arinta waxaana soo bixi doona natiijada dhabta ah taas oo noqon doonta waxa lagu dhaqmi doono”.

Afhayeenka AMISOM ayaa hadalkaan jeediyay kadib markii dowalda Soomaaliya ay eedeyn dusha uga tuurtay ciidanka Kenya ee Soomaaliya ku sugan kuwaas oo taageera dhinac waliba leh siiyay maleeshiyaadka Axmed madoobe ayna u gacan geliyeen magaalada Kismaayo.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ciidanka Kenya ay duqeeyeen xaruma ciidan kadibna ay laayeen ciidan dowada Soomaaliya halkaasi u joogay halka qaar ay dhaawacen raar kalana in ay magaalada xoog uga saareen.

Si kastaba gudigaan uu sheegay Xumad in loo sameeyay kasoo war bixinta arintya Kismaayo ayaa waxa uu imaanayaa xilli arinta Kenyaatigu u xuub siibteen qola carqalad ku ah nabada Soomaaliya taageera jadbeysana u ah kooxda Shabaabka kasoo goosatay ee Axmd Madoobe hogaamiyo.

Waxaa si aad ah loo sugayaa waxa ay soo saran gudiga loo xilsaaaray soo cadeynta eedeynta Dowlada Soomaaliya ee Kenya ka dhanka ah iyaga oo tegi doona Kismaayo soona xog wareya doonaa wixii ka dhacay.

X.allbanaadir.com
Q.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s