Wariye Shaqada laga ceeriyay kadib markii uu xad gudub aan hore loo arkin geestay (Daawo Sawirka Xadgudubka)

image

Wariya u dhashay dalka India oo lagu magacaabo Narayan Pargaien ayaa laga ceeriyay shaqada uu hayay mid kamid tv yada laga leeyahay dalkaas India, Narayan Pargaien ayaa soo tabinayay warbixin ku saabsaneed daadad ka dhacay waqooyiga India, wariyahaan ayaa markii uu soo gudbinyay warbixinta ayuu wuxu dusha ama garbaha ka fuulay nin dhibane ku ahaa daadadka, Narayan Pargaien ayaa soo tabinayay wararka isaga oo dusha ka saaran mid kamid ah dadka ku dhibanaa daadka, arintaan uu ku dhaqaaqay wariyaha ayaa lagu tilmaamay mid xad gudub ku ah dhaqan dalka India.

Ninka madaxda ka ah qeybta wararka oo wareesi siinayay Sky News ayaa sheegay in waxa uu ku dhaqaaqay wariyahaas ay tahay wax ka baxsan bini aadamnimada marnaba aan suurta gal aheen in laga soo tabiyo warar iyada oo dusha ama garbaha ruux bini aadam ah laga saaran yahay.

Narayan Pargaien ayaa sheegay in kaamira maanka uu balan qaaday in uu ka sawiri doona ama duubi doono qeybaha kore ee wariyaha marnaba uusan sawiri doonin isaga oo dulsaaran ruux bini aadam ah hasa ahaatee kaamira maanka uu balanta uga baxay kadibna uu soo galiyay isaga oo dusha ama garbaha ka saaran ruux bini aadam ah hadana ah dhibane.

Inkastoo uusan Tv ga sii deen videoga uu wariyahooda ku xad gudbayo mid kamid ah dadka ku dhiban daadadka balsa waxaa la soo dhigay video gaas barta youtube ka halkaas ay ka daawadaneen kumanaan dad ah.

Q.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s