War Deg Deg Ah Qaar kamid ah Madaxweynayaashii Jubaland State oo Kismaayo laga soo tarxiilay Muqdishana laga soo dajiyay

image

Warar aan helnay ayaa sheegaya in galabta labo Diyaarad ay leeyihiin Qaramada Midoobay in Magaalada Kismaayo kasoo qaaday dhaawacyada ku dhawaad 60-Qof oo ku dhaawacmay Dagaaladii Cuslaa ee kasocday Magaalada Kismaayo kuwaa oo la dhigay Isbitaalk AMISOM ku leeyihiin Muqdisho ee Xalane iyo sidoo kale Qaar kamid ah Isbitaalada Muqdisho.

Diyaaradaha Dhaawacyada waday ayaa sidoo kale waxaa la socday oo horey loo soo saaray Sadax kamid ah Madaxweynayaashii Maamulka Jubaland State kuwaa ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Raaskanbooni una soo tarxiileen dhinaca Magaalada Muqdisho.

Raga Kismaayo laga soo tarxiilay horeyna u sheegtay in ee Yihiin Madaxweynayaasha Jubaland State ayaa waxaa kamid ah Cabdi Baalley, Cumar Buraale iyo Iftin Xasan Baasto oo dhamaan kamid ahaa ragii la Dagaalamayay Ciidanka Axmed Madoobe lana safnaa Dhinaca Col.Barre Aadan Shirre Hiiraale.

Madaxweynayaasha Muqdisho laga soo dajiyay ayaa la sheegay in Kooxda Raaskanbooni ay amaankooda u baqday ayna go’aansadeen in ay kasoo tarxiilaan Kismaayo una soo diraan dhinaca Muqdisho iyagoona amar ku siiyay in aysan mar dambe magaalada kusoo laaban Karin .

Xubnahan Kismaayo laga soo eryay ayaa caawa ku hoyana Magaalada Muqdisho sida aan Wararka ku heleyno mana jiro wax war ah oo kasoo baxay ragan horey u sheegtay in ay yihiin Madaxweynayaal la doortay lagana soo masaafuriyay deegaanadii ay sheegeen in ay ka taliyaan.

Xigasho.Allbanaadir.com
Q.wariye.Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s