War Deg Deg Ah Sadax kamid ah Madaxweynayaashii Maamulka Jubaland State oo isu dhiibay Kooxda Raaskanbooni

image

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in caawa Xaalada Magaaladaasi ay tahay mid dagan gacantana ku hayaan Kooxda uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ee Raaskanbooni.

Ciidamadii la dagaalamayay Kooxda Raaskanbooni uu Hogaaminayay Col .Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa caawa ku hoyanaya goobo ka baxsan Magaalada waxa ayna halkaasi kawadaan abaabulo dagaal ay ku doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan magaalada ayna dagaal mar kale la galaan Kooxda Raaskanbooni.

Warar kale aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qaar kamid ah Ragii sheeganayay Madaxweynanimada Maamulka Jubaland State in ay isku soo dhiibeen dhinaca Kooxda Raaskanbooni kadib markii dagaal Magaalada Maanta looga saaray.

Raga isku dhiibay Kooxda Raaskanbooni ayaa waxaa kamid ah Cabdi Baalley, Cumar Buraale iyo Iftin Xasan Baasto oo dhamaan kamid ahaa ragii sheeganayay in ay yihiin Madaxweynaha Jubaland State kana bar bar dagaalamayay Ciidamadii Col.Barre Aadan Shirre Hiiraale.

Lama oga halka la geeyay ragan isku dhiibay Kooxda Raaskanbooni waxaan sidoo kale la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan Kooxda Raaskanbooni uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ragan gacantooda soo galay.

Habayntii wariye sugulle
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s