Odayaashi iyo siyaasiyintii xasan daahir ku soo qanciyay inuu muqdisho yimaado oo iyagiina la jidhdilay isna si xooga cidamadu ula wareegen.

Sheekh Xassan Daahir oo kadib baxsi uu ka ahaa Al-shabaab si aan ka fiirsi laheyn isugu soo dhiibay maamulka Xibin iyo Xeeb lagana soo dhaadhiciyay in Muqdisho la keeno ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa xabsi la dhigay kadib markii Muqdisho la keenay.

Xarigga Xassan Daahir Aweys ayaa waxa uu yimid kadib markii Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde uu isku dayay in uu u wato gurigiisa si halkaasi uu ugu noolaado arintaas oo ay diideen masuuliyiinta nabad-sugida iyo wasiirada Difaaca iyo arimahaha gudaha, kuwaas oo mid aan suura geleyn ku sheegay in arinta Indha Cadde uu watay.

Is-maandhaafkaasi ayaa waxa uu sababay gacan ka hadal ay sameeyeen ciidamada Gaashaan oo sugayay amaanka garoonka kuwaas oo dhamaan garaacay odayaashii, saraakiishii iyo xildhibaanadii lasocday Xassan Daahir Aweys, iyada oo Xassana isla markaa horay loo kexeestay ciidamadii gaashaanna ay la’aadeen goob aan la garan.

Dhamaan dhinacyadii waday Xassan Daahir ee kasoo dhaadhiciyay in uu Muqdisho soo aado ayaa canbaareeyay falkii ka dhacay Garoonka diyaaradaha iyaga oo ku sheegay mid aan wanaagsaneyn, iyaga oo intaa raaciyay in dowladu uga baxday heshiis ay la gashay oo ahaa in dowladu si wanaagsan u maamuusi doonto.

Si kastaba, xariga Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa suuragal ah in uu siyaasada dalka kajirta uu waji kale u bedelo maadaama raga xalay la jir dilay Xassan ay ku difacayeen qaab qabiil hasa yeeshee arintaasi ay suura geli weysay.

Xigasho.allbanaadir.com
Sugulle Mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s