Wararkii ugu danbeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ay maanta si toos ah uga qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay halkaasi ayna ku qasbeen Barre Hiiraale iyo dagalamayaashiisu inay isaga huleelaan halkaasi kadib markii ay u adkeysan waayeen culeeska xooggan ee la saaray.
Goob-joogayaasha ayaa waxa ay sheegeen in laarkayay ciidamada Kenya oo wata gawaarida gaashaaman oo dagaalka ku jira ridayana hub casri ah oo niyad jebiyay dagaalamayaashii Barre Hiiraale iyo qolyihii xulufada la ahaa.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in kadib markii magaalada laga saaray ciidamada Barre Hiiraale in guud ahaan hoteelada magaalada ay ku yaaceen dagaalamayasha Raas-kanbooniyiinta iyaga oo dilay mid kamid ah milkiilayshaasha hoteelada ugu casrisan magaalada iyada oo aan la ogeyn sababta ay arintaasiu ugu dhaqaaqeen.
Waxaa kale oo gudaha loo galay kadibna biliqo xooggan loo geestay gurigii Barre Aadan Shire, (Hiiraale) iyada oo ay arintaasi fulinayeen dagaalamayaasha Axmed Madoobe oo ay la socdaan saraakiil caan ah oo Jabhada Raas-kanbooni kamid ah.
“Ciidamada Kenya ayaa dagaalka galay. Waxa ay ku qasbeen ciidankii Barre Hiiraale in ay isaga baxaan Magaalada. Hubka ay soo ridayeen oo ahaa mid aan loo adkeysan Karin ayaa dib u gurashada keenay. Duleedka magaalada ayeey hada isku aruursanayaan kooxda Barre. Gudaha magaalada waxaa lagu dilay oday can ah oo hotel lahaa. Dilkaasi waxaaa fuliyay maleeshiyaadka Axmed Madoobe”, goob-jooge ayaa ku waramay.
Si kastaba, waa markii ugu horeysay oo magaalada ay si buuxda gacanta ugu gasho Kooxda Axmed Madoobe, waxaana si aad ah loo hadal hayaa waxa ku qasbay in ciidanka Kenya ay ugu dhiiradaan in ay si muuqata u taageeraan jabhad dowlada diidan oo la dagaaleysa maleeshiya beeleed xilli madaxweynaha dalku uu ugu baaqay in ay dhex dhexaad ka noqdaan dagaalkaasi.
Xigasho.allbanaadir.com
Q.wariye Sugulle
Hedmark.Norway.