Gen. Fartaag oo Shir Jaraa’id oo Xasaasi ah gowr dhow ku qabtayMagaalada Kismaayo iyo Nuxurka waxii uu ka hadlay

image

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)oo ah ku-xigeenka Axmed Madoobe, ayaa waxa uu gowr dhow Shir Jaraa’id uu kaga hadlaayay Dagaalka Kismaayo ku qabtay Magaalladda Kismaayo ee ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Gen.Fartaag, ayaa waxa uu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in Ciiddamadda Maamulka Jubbaland ay iminka Gacanta ku hayaan gabi ahaan Magaalladda Kismaayo, isagoona sheegay in xaaladda magaaladu ay iminka Xasilloontahay kaddib Saddex maalmood oo uu dagaal ka dhacay magaalada.

Gen. Fartaag, ayaa waxa uu Shacbiga ugu baaqay inay is dejiyaan loona baahan yahay inay la shaqeeyaan Ciiddamadda Ammaanka ee Maamulka, waxa uuna sheegay in Magaalladda ay iminka gacanta ugu jirto Maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Fartaag ayaa waxa uu sheegay in amniga Magaaladu uu sugan yahay, islamarkaasna ay waddaan qorsheyaal ku aaddan sidii loo qiimeyn lahaa Khasaarihii ka dhacay dagaalladii Magaalada ka dhacay.

Fartaag ayaa sheegay in ciidankoodu uu si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada, kuna eedeyay dowladda in ay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Kismaayo.

Ugu dambeyntii, Gen.Fartaag ayaa sheegay in maamulkoodu uusan oggolaan doonin in dagaal kale uu magaalada ka dhaco, ciddii amni darro wadda magaaladana sharciga lala tiigsandoono, isagoona uga digay Kooxaha Dagaalka kula jiro isu soo dhiibaan Maamulka.

Qalinkii wariye Sugulle mohamoud
Hedmark Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s