Dowlada Soomaaliya shaacisay in ciidanka Kenya ay qaadayaan masuuliyada wixii ka dhacay Kismaayo kuna baaqday in labedelo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada War-faafinta, Boostada iyo ISaarsiinta Cabdi Shakuur Cali Mire ayaa waxa uu maanta saxaafada u sheegay isaga oo ku hadlaya afka xukuumada in ciidanka Kenya ay dhibaato fara badan ka geesteen gudaha magaalada Kismaayo arintaas oo muujineysa in ay ka tilaabsadeen Mandate-kii AMISOM sidaa darteed ay codsanayaan in la bedeo oo halkaasi la geeyo ciidamo ka socda dalal fara badan.

“Ciidanka Kenya ee Kismaaya jooga waxa ay duqeeyeen saldhigyda ciidanka Soomaaliya ee Kismaayo. Waxa ay ciidankii ka dhigeen mid ay dileen. Mid ay dhaawaceen iyo mid ay ku qasbeen in uu magaalada ka cararo iyaga oo sidoo kale xirtay abaan-duulkii Jubooyinka iyaga oo aan dowlada Soomaaliya xitaa soo ogeysiin. Waxa ay ku milmeen siyaasada dalka waxa ay la safteen jabhad. Shacab ayeey madaafiic ku laayeen. Hanta ayeey bur-buriyeen. Howlgalka AMISOM-na arintaasi kamid maaheyn”, Cabdi Shakuur Cali Mire ayaa yiri.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada War-faafinta, Boostada iyo ISaarsiinta ayaa intaa raaciyay, “Waxa ay dowlada Soomaaliya codsaneysaa in si dhaqsa ah loo bedelo ciidankasi oo ciidamo isku dhaf ah oo dalal badan ka socda la geeyo halkasi si ay waajibaadka AMISOM u gutaan maadama qoladaani ay fashinalantay. Ciidanka Kenya iyaga ayaa qaadaya masuuliyada qasaarihii ka dhashay Kismaayo.

Hadalka xukuumada ee isugu jira codsiga iyo eedeynta ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo ciidanka Kenya maanta ay faraha si toos ah ula galeen dagaalka Kismaayo oo dad badan oo shacab iyo ciidan isugu jira ay u xasuuqeen qolyihii Axmed Madoobe kasoo hor-jeedayna ay magaalada ka saareen.

Si kastaba lama oga sida loogu dhega nuglaan doono baaqa xukuumada Soomaaliya kasoo yeeray iyada oo aysan aduunyadu ka dhega xirneyn cabashada is-daba joogga ah ee dowlada Soomaaliya ay ka tahay ciidanka Kenya ee Soomaaliya ku sugan ee Jabhada Raaskanboni taageerada xooggan siinaya xasuuqa umada Soomaaliyeedna garabka siinaya, halkii laga doonayay in ay nabada ka shaqeeyaan.

Xigasho allbanaadir.con
Q.Sugulle mohamoud
Hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s